WorldRemitAds

Hal Ku Waajahan Shacbiga, Hal Madaxweynaha Aanu Leenahay, Hal Inta Is Casishay Loo Jeedinayo Iyo Mid Ku Socota Hogaanka Kulmiye!

Editorial6-680x365“XILKU Waa Wareegtee
Dadka Wada Jirkoodiyo
Qarankaa Ka Wayn Ruux
Danihiisa Wadan Jiray
Nin Wasiir Ahaan. Jiray
Hadii Uu Waddada Xulo
Cirka Waaxi May Dumin. . . . ”

Abwaan Xassan Dhuxul LAABSAALAX ayaa tuducan ku baahiyay boggiisa shabakadda Facebook, walaalkii oo waliba ka weyn ayaa ku jiray madaxda shalay is casishay, laakiin, taasi kama duwin xaqiiqadda ah in Qaranku ka weyn yahay hebello is casilla waxaana shacbiga waano ugu fillan qodobkaas dheer intaas oo aynu u raacinaynaa qolladdaas yaacday iyaddoo qallinku Ixtiraam u hayo digashana aanay ahayn farriintu oo aynu ku leenahay, waxaad u dhaqanteen si fudud oo aan biseyl siyaasadeed ka muuqan, taasina waxaa ay idinka dhigtay rag col hortii jabay, sidda sheekadii Cigaal Shiidaad ee caruurta lagu maaweelin jiray nuxurkeedu ahaa.

Tashi aan caadifad iyo cadho midna wehelin ayaad u baahan tihiin inaad isugu noqotaan oo ka fekertaan mustaqbalkiina siyaasiga ah idinkoo dhan iska dhigaya hebeladda aad is haysaan.

Qodobkaas haddii aynu kaga gudubno saaxiibaddaas dedaalkoodu jidkaas la maray, waxaa aynu u galaynaa Mudane Siilaanyo.

SomlegalAds

Madaxweynuhu hor iyo horaanba xaq dastuuriya ayuu u leeyahay doorashaddiisa. Haa, distoorka ayaa jideeyay in muwaadin waliba wax dooran karro lana dooran karo. Madaxweyne nimadduna kama qaadayso xuquuqdaas uu leeyahay ka muwaadin ahaan. , laakiin, haddii uu shalay hadlay oo uu yidhi dhex iyo oday baan Xisbiga raggiisa iyo haweenkiisaba u ahay, looma fadhiyin inuu saqdhexe ka dul guuro oo si kale wax u dhigo. Xattaa haddii danno badan oo siyaasi ahi ugu jirto talaabadan uu qaaday kuwo badan oo kallena waxaa hubaal ah inuu ku waayay. Sababtoo ah, waxaa uu inyar kaga badbaaday in dawladnimadu ku dul-burburto xattaa haddii xukuummadiisa mid kale ka hoos dhisneydna si kale oo shacbiga uga werwer yar sidan hada dhacday ayuu u maareyn karayay, waqti horena waxaa la gudboonayd inuu hubiyo kala danbeynta iyo nidaamka maamulkaagu ma yahay mid la isku haleyn karro. Arrimahanise waxa ay muujiyeen gal-daloolooyin xoogan oo haggaamintiisu leedahay, waa ay jiraan oo lama dafiri karro in dad badani u arrkeen qaabkan uu wax u wado ruug cadaa shaxda uu ciyaarayaa jahawareer ku abuurtay dhawaan baradka. Laakiin, xattaa sida fudud ee aad uga hadashay ama uga hadasho had iyo jeer marka xaaladi qaranka soo waajahdo si ka mug iyo miisaan roon ayaa ummadu kaaga fadhidaa.

Hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyagana waxaa aynu leenahay, weli maydaan guulaysan waxaad u baahan tihiin inaad xaggan iyo xagganba eegtaan. Haddii ay rumowdo oo aad la timaadaan aargoosi siyaasi ah, islamarkaana ku talax-tagtaan dhaawac eriga idinka ayay idin danbarsan doontaa, waxaana rajaddiina iyo rajo la’aantiinu ku xidhantahay sidda aad u dhaqantaan shirweynaha Golaha dhexe.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.