WorldRemitAds

Qaybtii 2aad W/Q. Maxamed Saleebaan Cumar

Cabdi Tahliil oo Kaban haysta ayuu ku yidhi Ibraahim: “Ninkan imtixaan ka qaad,” waxaanuu ii tumay saddex heesood oo kala ahaa: Onkod roobku ma daayo, Subcis oo codkii Qaraamiga ah iyo hees kale oo iyadna Sucis ahayd oo aan anigu Sahra ku dhegaystay. Tahliil ayaa markaan dhammeeyay yidhi: “Ninkani waa Fannaan buuxa.” Da’ ahaan markan aan ka hadlayo waxaan ahaa 15-jir, kii 16-naadna markaas ayaan galayay. Ibraahim inta uu fasax I siiyay ayuu yidhi: “Fannaan buuxa ayaad tahay, iminkana waan ku fasaxayaa ee aniga uun iga war sug.”

SomlegalAds

Riwaayaddii baa la dhigay, in yar dabadeedna waxa la dhigay Riwaayad dambe oo magaceeda la odhan jiray: Hawaala Adduun, oo uu curinteeda lahaa Ibraahim Gadhle taas ayna dhigtay kooxdii Booniis Baraanis. Ibraahim Gadhle iyo Xasan Cilmi labada reeroodba way ku kala jireen, laakiin marka ay labadoodu wax dhigayaan way isku tegi jireen Abwaannadoodu. Riwaayaddaas waxa aan ka noqday Actor (Jilaha 1-aad), waxaana ila jilaysay gabadh la odhan jiray Hodan X. Maxamuud (Hormo) 1968-kii Hargeysa nooga timid iyo Habboon C/laahi oo aniga inta badan ila dhigaysay, dhawaann Hargeysa ku geeriyootay. Heestii iigu horreysay ee aan qaaday oo Riwaayaddaas ku jirtay waxay ahayd Xiddigtii—–, heesaha daradoorriga loo qaadayay waxa ka mid ahayd; Maxaan kuu hawaawiyay, Ama hillin bannaanoon, Ka huleelo daydayay. Idaacadaha waxay ku taallaa magaca ah: Hawaawi. Nin Nuux Ismaaciil la yidhaahdo ayaan isna xusayaa oo ka mid ahaa raggii Riwaayadda ila dhigay. In yar ka hor intii aan Riwaayadda la dhigin ayaa la yidhi: “Illeen ninkan maanta ayaa masrax ugu horreysee, billoo uu nax-naxaa!” Naadi ay kooxdu lahayd oo kubadda ciyaara la ii soo ururiyay si la igu sii tijaabiyay, markii masraxa la tegay-na waxay noqotay uun: “Nin meeli u caddahay, meeli ka madaw.”

Muddo kooban kadib Riwaayaddaas ayaa Sahra Axmed Jaamac oo uur siddeed bilood ah ku sidda gabadha Arag-san ay noo keentay Riwaayad duuban oo dib uun naloo xafidsiiyay, uuna lahaa Muuse Cali Faruur, lana odhan jiray: Waalida ragga iyo Weerarka hablaha, Hargeysa-na ay ku soo dhigeen rag oo Maxamed Yuusuf ka mid ahaa. Niman Red Star (Xiddigta Cas) la odhan jiray oo uu madax ka ahaa Idiris Cumar Geelle ayaa dad isku dhaf ah oo xul ka soo sameeyay saddexdii kooxood, waxaanay noqotay Riwaayaddii ugu lacagta badnayd ee Toddoba habeen la dhigo. Aniga waxa Riwaayaddaas ila heesaysay gabadh la odhan jiray Hodan X. Maxamuud, Nimco Jaamac waxay la heesaysay Ismaaciil Caynaan Sahra Axmed-na waxay la heesaysay Siciid Xamar Qoodh. Lix-daydaas ayaa ahaa Jilayaashii laf-dhabarta u ahaa masrixiyaddaas. Waxay Riwaayaddaasi noqotay middii ugu faa’iidada badnayd dhaqaale ahaan, ay ku kulmeen mudanta heesaagii saddexda kooxood, isla mar ahaantaasna dadkii kala qoqobnaa kob iskugu wada geysay. Dhacdadaas ayay 1971-kii ka abuurantay kooxdii la odhan jiray Gacan Macaan oo tiradoodu ahayd 71.

Halgankii Gobonimo-doonka ayaa waqtiyadaas bilaabmay, annagana waxa na fuushay masuuliyad culus oo ah inaannu dadka isku soo dhaweynno. Tiroba afar Xisbi ayaa waddanka markaa ka jiray. Shacabku waxa uu u badnaa Xisbigii LPE oo uu Xasan Guuleed madax ka ahaa, waxaana u mideeyay oo ummadda hoos-keenay, sida la odhan karo kooxda Gacan Macaan. Dabadeed waxaannu dhignay Riwaayaddii Geeddigii Koowaad oo uu dhigay Ibraahim Gadhle. Waxa xigtay Riwaayaddii Ilma Geeska Afrika oo uu lahaa Xasan Cilmi, kana warramaysay siyaalihii Gumeystuhu ku yimid Geeska Afrika. Geeddigii Labaad iyo Gaashaanle muu dhiman oo ahayd Geeddigii Saddexaad, kuna socotay Taariikhdii nin Gaashaanle la odhan jiray oo ka mid ahaa raggii Gobonimada u soo halgamay ayaa iyana daba raacay. Taxanayaashaas iyo isku-xidhnaantayadii oo aannuu raalli ka ahayniba waxay ahaayeenbaa la odhan karaa dareennadii dhaliyay in Gumeystuhu aad noola sii colloobo.

Su’aal: Xilligaas aad ka hadlayso, waxa Soomaaliya ka jiray dhaq-dhaqaaq Gobonimo-doon, waloow aanay Mustacmarad ku hoos jirin, hadana waxa jirtay aragti Soomaali-Weyn la odhan jiray, markaas inna wax xidhiidha ma lahaydeen baad odhan kartaa kooxihii Faneed ee Soomaaliya gudaheeda ka jiray?

La soco qaybo kale oo xiiso leh…

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.