WorldRemitAds

Waraysigii BBC-da Carabigu la yeelatay Wasiiruldawlaha Khaarajiga ee Imaaraatka Dr. Anwar Maxamed Qarqaash waxa lagu weydiiyey asbaabaha keenay inuu xumaado xidhiidhkii Imaaraatka iyo Somalia.

Qarqaash waxa uu sheegay in xukuumadda Somalia ay dambi uga dhigtay mashruucii dekedda Berbera kuna eedaysay inay ku xadgudbeen midnimadii Somalia.
Qarqaash wuxu ku qarnaqsaday dhawr qodob oo kala ah:

SomlegalAds
Dr. Anwar Qarqaash

(1) In Imaaraatku aanu aqoonsan Somaliland oo safaaradda daayoo aanay xataa qunsiliyad ku laheyn. {Dabcan waa arin jirta oo wasiirka waa runtii}.
(2) Inuu jiray is-fahan (tafaahom) ah in Somaliland loo fidin karo wixii mucaawimo iyo horumarin ah oo ay dekedda Berbera ka mid tahay. {Dabcan taasina waa arin jirtay oo is-fahamkaasi waxa lagu gaadhay shirarkii Dubai, London, Istanbuul iyo Brussels}.
(3) In mashruuca dekedda Berbera aan ka baxsaneyn oo hoosyimaada tafaahumkaasi hore ee jiray oo aan lagu tilmaami karin gef ay Imaaraatku kula kaceen midnimada Somalia
(4) In ixtiraamka midnimada Somalia macnaheedu marnaba aheyn in aanaan Somaliland wax la qaban karin ama naga horjoogsan karta inaanu gacan siino.

Wadahadal dhexmara Imaaraatka iyo Somalia waxa uu Qarqaash ka yidhi in Imaaraatku marnaba aqbali doonin wada hadal qol madow lagu qabto, waxaanu sheegay in aanay halkanba soo dhigan in dalkii ay 27 sannadood caawinayeen uu sidaa xun ula dhaqmo oo waliba uu weeraro diyaaradii u siday tababarayaashii iyo mushaharkii ciidankooda.

Turjumaadda khaldan ee ay BBC Somali ka bixisay nuxurkii waraysiga Qarqaash waxa ku farxay reer Somalia iyo qaar reer Somaliland ah. Hadaba Somalia iyada waabaynu is-haynaaye, waxan garan waayey kuwan reer Somaliland waxa iyaga iyo qadaadweynta ka wada farxiyey!!!.

Yuusuf Cabdi Gaboobe 

Suxufi rugcaddaa ah, 

Facebook: Yusuf Gabobe

Twitter: @yGabobe 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.