WorldRemitAds

Warbaahinta Ingiriiska gaar ahaan wargeysyada waaweyn ee dalkaasi caanka ku yahay, ayaa si aan hore loo arag ula safatay kooxda dalkooda ee Liverpool oo bilowgii bishan Ramadaan si aan caadi ahayn uga badisay kooxda reer Spain ee Barcelona oo afar gool iyo eber lagu kala adkaaday.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Inta badan wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa ka sinaa buunbuuninta kooxda Liverpool iyo tabaarahooda Jarmalka ah ee Jurgen Klopp, oo ay ku tilmaameen macalin aan guul darada qaadan, kana gilgisha nacasnimada, taas oo ay ula jeedaan guul daradii kooxdu kala soo kulantay ciyaartii hore ee guriga Barcelona oo sadex gool iyo eber loogu awood sheegtay.

Kooxda Liverpool oo markii sagalaad u soo baxay wareega kama danbaysta ee koobka Champion-ka qaarada Yurub, afar jeer oo horana qaaday ayaa gaadhay guul aan dadka ciyaaraha ka faalooda iyo kuwa daawashadooda jecel saadaasha ku darin ama aanay filayn, taas oo wargeysyada waaweyn ee Ingiriisku ku tilmaameen gadood aan noociisa hore loo arag.

Badi wargeysyada Ingiriisku waxay bogooda hore ku soo xardheen sawirada iyo muuqaaladii goolashii kooxda Liverpool dhalisay, waxaanay ka sinaayeen faalooyin dhaadheer oo ay kaga waramayaan sida mucjisada ah ee kooxdu u ciyaartay wakhti ciyaar yahano waaweyn oo udub dhexaad u ahi ka maqan yihiin, sida Mohamed Salah, Roberto Fermino waxa kale oo ay amaan iyo buun buunin badan ka qoreen ciyaar yahanadii goolasha guushu ku raacday kooxda u dhaliyay.

Xafladii waynayd ee taageerayaasha kooxda Liverpool ku qabsadeen garoonkooda “Anfield” ayaa ahaa mid warbaahinta Ingiriiska gaar ahaan Wargeysyadu ka midaysnaayeen soo gudbintooda, waxaanu wargeys walba qaatay halku dhegyadii taageerayaasha kooxda iyo ciwaano ay ku kabeen oo muuqaal xag jirnimo ah laga dhadhansan karo.

Jariirada Guardian ee ugu magaca wayn Ingiriiska ayaa guusha Liverpool ku tilmaantay mid taariikhda dib u celisay, oo dadka badankooda xusuusinaysa Istanbul iyo sanadkii 2005-tii, wakhtigaas oo sadex iyo eber ay kooxda AC Milan iyadoo ciyaartii hore kaga soo adkaatay ay barbaraysay ka dibna Liverpool kaga guulaysatay gool ku laag loo dhigay, sidaana ay Champion-kii ugu danbeeyay ugu baxday.

Wargeyska Daily Mail ayaan iyada lafteedu ilaawin guushii Istanbul ee sanadkii 2005-tii, waxaanay ciwaan far waaweyn ku qoran jariiradu ku sheegtay in Liverpool May 7, 2019 ay dunida dib u xusuusiyeen xaqiiqada kooxda iyo Liverpool-tii May 25, 2005-tii iyo garoonkii Istanbul.

Wargeyska the Sun ayaa guusha Kooxda Liverpool si gaar ah uga faalooday mid tusaale u ah in kooxdaasi si dib u soo noolaatay, marka loo eego guulaha ay gaadheen muddooyinkii u danbeeyay oo ay wareega kama danbaysta ah mar u soo wada gaadhay Premier League iyo Champion-ka.

Dhamaan wargeysyada waaweyn ee dalka Ingiriisku waxay ka wada siinaayeen in ciyaarta kama danbaysta ah ee Champion-ka ay garoonka Wanda Metropolitano Stadium ee Madrid isugu soo bixi doonaan labada kooxood ee Ingiriiska ee Liverpool iyo Tottenham, kaas oo lagu balansan yahay June 1, 2019.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.