WorldRemitAds

Warbaahinta kala duwan ee dalka Shiinaha ayaa laga mamnuucay baahinta muuqaalada qosol qosolka, kaftanka iyo madadaalada ah, waxaanay dawlada dalkaasi ku amartay in gebi ahaanba la joojiyo baahinta waxyaabaha dheel dheelka iyo laqwiga ah ee aan ku haboonayn mabaadi’ida guud ee Shuucinimada.

Jariirada South China Morning Post oo warkan baahisay ayaa sheegtay in qoraal rasmi ah oo ka soo baxay, maamulka guud ee warbaahinta dalka Shiinaha u Qaabilsan lagu faray, Dhamaan qaybaha kala duwan ee warbaahinta dalkaas, sida Telefishanada, Idaacadaha iyo shabakadaha internet-ka dhamaantood.

SomlegalAds

Sida jariiradu sheegtay qoraalkan ayaa lagu sheegay in qosol qosolka iyo waxyaabaha maadayska ah ee la joojiyay, ka dhasheen daraasad lagu sameeyay oo lagu ogaaday in gabi ahaanba ay ka soo horjeeda dhaqanka Shuuciyada ee dalkaasi ku dhaqmo hoosna u dhigayaan hamiga dadka.

Telefishanada iyo idaacadaha dalka Shiinaha oo intooda badan dawladu maamusho ayaa si rasmi ah ugu hogaansami doona, go’aankan xukuumadu soo saartay, taas oo ah dhaqan caadiyan looga bartay oo marka dawladu wax mamnuucdo ay si buuxda u joojiso warbaahintu.

Laakiin waxa laga cabsi qabaa in qaar ka mid ah dadka shabakadaha Internet-ka wax ku baahiya ay sidoodi u sii wadan doonaan, hasa yeeshee waxay taasi gayaysiin doonta in laga xidho shabakadooda oo ay ku adkaato in dalka Shiinaha laga daawan karo.

Lama garanayo sababta ay xukuumada Shiinuhu u joojisay waxyaabihii maada iyo qosol qosolka ahaa ee warbaahinta kala duwan ka bixi jiray, waxaanu go’aankani ku soo beegmayaa labo todobaad ka dib markii xisbiga Shuuciga ah ee dalka Shiinaha ka taliyaa, uu badalay sharcigii wakhtiga Madaxweynuhu xilka haynayo labada jeer ee is xiga ku koobayay, ka dibna ay ka dhigeen in Madaxweynuhu talada dalka Haynayo ilaa uu ka dhimanayo.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, oo tan iyo intii uu dalka Shiinaha qabsaday sharciyo adadag ku soo rogayay muwaadiniinta iyo xoriyada aasaasiga ah ee shacabka dalkaa, ayaa dad badani ka dayriyeen is badalada uu wado ee Xisbigiisa Shuuciga ahi ugu badaleen dastuurkii iyo sharcigii dalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.