WorldRemitAds
Wareegto Madaxweyne Oo Shaqeyn Weyday – Waxa dalalka hore u maray iyo kuwa faqiirka ahiba ka qaylinayaan is beddelka ku dhacay cimillada dunida iyo saamaynta Is beddelkaasi ku yeeshay deegaanada iyo dadyawga dalalka saboolka ah, kuwaas oo wasakhaynta hawada ku dhacday kala kulmay abaaro, daadad iyo cunto yari u keenta cudurro aan loo haysan daawooyin ku filan.

Somaliland oo ka mid ah dalalka saboolka ah ee Geeska Afrika ayaa laga dareemayaa is beedlekaasi cimilada iyo deegaanka ku dhacay isbeddeladaasoo marka laga yimaaddo kuwa Ilaahay ku keeno ay qaarkood muwaadiniinta dalku sabab u yihiin, kuwa waxaa lagu xidhiidhinayaa inay masuul ka yihiin dalalka hore uga maray dhinaca wershedaha.
Wareegto Madaxweyne SiilaanyoDhibaatada haysata xoolo dhaqata Somaliland, magaalooyinka iyo beeraleyda dalkaba ayaan muran ka taagnayn inay sababeen bacaha buux dhaafiyey meel kasta oo wax soo saar lahayd, nadaafadda magaalooyinka waaweynna khatar ku ah, guud ahaanba caafimaadkii xoolaha dhaqaalaha dalku ku xidhan yahay ayay meel xun marinaysaa Bacdu.
Haddaba, marka la eego dhibaatooyinka caafimaadka dadka iyo duunyadaba ay u geysteen bacahaasi ayaa in badan la iska ogyahay, waxna aan laga qabanin, maadaama dadweynaha qaarkood ku doodaan in nolol maalmeedkoodu ku xidhanyhay ka ganacsiga bacahaasi, sidaas oo ay tahay dhinaca kale, waxa jira welwel ay ka qabaan muwaadiniinta garanaysa dhibaatada bacahaasi, waxaana ka xoogroonaaday, kuwa ku doodaya ka ganacsiga bacahaasi oo aad mooddo inaysan dalka iyo dadka midna u danaynaynin, balse jeebkooda oo kali ah u daneeya.
Goor dambe oo reer Somaliland garteen dhibaatadaasi, ka hadalkeeduna waayadan soo xoogeystay ayaa weli waxa dadweynaha qaarkii sii hadal hayaa ka gaanacsiga bacaha oo joojinta ka ganacsigeeda uu dhawaanta Madaxweyne Siilaanyo wareegto ku soo saaray, hase yeeshee aanay wareegtadaasi ka fullin hay’adihii loogu talo-galay inay fuliyaan dhawaqa Madaxweynaha.
Masiibada dhinaca deegaanka, dadweynaha xoolo dhaqatada iyo beeraleydaba ay ku hayaan bacahaasi oo aad mooddo in la iska indha tirayo ayaa aakhirataanka laga yaabaa in maalin maalmaha ka mid ah ay wax yeelo intan ka weyni ka soo gaadho dalka, masuuliyaddeedana ay qaadi doonaan ciddii loo xil-saaray fulinta wareegtadaasi oo ay ugu horreeyaan wasaaradaha ganacsiga iyo wershedaha, deegaanka iyo miyiga, Rugta ganacsiga iyo Maaliyadda oo ay ahayd inaanay cashuurin, haddii koontarabaan dalka lagu soo geliyana lala wareego ama la ganaaxo ciddii ka ganacsanaysay, waxaanad mooddaa in danaha koox ganacsato ah oo aan u tudhayn dalka, dadka iyo xooluhu ka xoogbateen muwaadiniintii dalka, dawladdoodii iyo madaxweynahoodiiba maadaama aanay weli cidi dheg u dhigin wareegtadiisii, isticmaalka ama ka ganacsiga bacahaasina waxba iska beddelin marka laga reebo bilihii aan soo dhaafnay oo ganacsatadaasi qaarkood ka welwelsanayeen joojinta ka ganacsiga bacahaasi iyo saameynta wareegtada Madaxweynhu ku yeelan karaysay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.