WorldRemitAds

Nairobi, Kenya, September 15, 2016 (Saxafi) – Rugta ganacsiga iyo horumarinta dalka Kenya, ayaa sheegay in heshiishka maalgashiga Dekadda Berbera faa’iido weyn u leedahay geeska Afrika, isla markaana kor u qaadayo dhaqaalaha qaaradda Afrika.

Rugta ganacsiga Kenya ayaa ugu baaqday ganacsatadda u dhalatay Somaliland ay kaalin muhiim ah ka qaadan karaan kor u qaadidda ganacsiga dalka.

Agaasimaha waaxda horumarinta ganacsiga ee Rugta ganacsiga Kenya  Mr. Peter Biwott oo khadka telefoonka uu ku waraystay wargeyska Saxafi ayaa waxa aanu wax ka waydiinay sida Kenya u aragto maalgashiga dekadda Berbera ee Somaliland iyo Faa’iidadda ay u leedahay Afrika, waxaanu yidhi “Ganacsiga iyo maalgelintu waxa uu door muhiim ah ka geysataa kobaca dhaqaale dal walba oo aduunka ku yaalla, waxaana Jamhuuriyadda Somaliland taalabadda ay qaaday ee arrimaha horumarinta ay muhiim u tahay koboca dhaqaalaha  iyo ganacsiga, Horumarinta dekedu runtii anagu si weyn baanu  u soo dhoweynaynaa maalgelinta uu helay dalka Somaliland, sababta oo ah waxay kor u qaadaysaa  xidhiidhka ganacsiga gobolka (region) iyo dunida inteeda kale, waxaana xukuumadda (Somaliland) u taagan tahay inay sare u qaado dakhliga uga soo xarooda dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyo sidoo kale inay kor u qaado xidhiidhka dhaqaalaha ee ganacsiga ay la yeelanayso dalalka la deriska ah ee Geeska Afrika, qaaradda Afrika, wadamada ku yaal badwaynta Indianka Oceanka iyo dunida intiisa kale”.

SomlegalAds

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “ Sidoo kale waa in la ogaadaa in iskaashiga ganacsiga gaarka ah ay kor u qaadayso maalgelintu, waxaana heshiiskani muujinayaa in xukuumadda Somaliland ay hiigsanayso xadka meel ka fog, iyadoo damaanad ay u tahay talaabadani sidii ay qaarada Afrika u horumari lahayd, in kastoo khayraadka kala duwan ee dalalka gudihiisa aan laga faa’iidaysan. Hadase, maalgeliinta shisheeye  kaalin muhiim ah ayey ka ciyaari kartaa horumarka dhaqaalaha”.

Mar uu ka hadlayey ganacsatadda Somaliland kaalinta ay ku leeyihiin horumarinta wadanka, waxa uu yidhi “Waxa muhiim ah si loo hubiyo, maadaama oo ay bilow ay tahay maalgelintu. Ganacsatada u dhashay dalka Somaliland ay door muhiim ah ka qayb qaadan karaan barnaamijka mashruucan sidii ay u iib-gayn lahaayeen wax soo saarkooda oo qayb weyn ka qaadan karto dhismaha dalka Somaliland. Sidoo kale, bahda ganacsatada waa in talooyin laga siiyo barnaamijka mashruucan oo shaqo abuuris ay ka helayaan shacabka reer Somaliland. Taasina waxa ay kor u qaadaysaa iib-gaynta oo awood siinaysa, islamarkaana saamayn wayn ku yeelanayso nolol maalmeedkooda isbedel ku yeelanayso.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.