WorldRemitAds

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande oo ciyaar u dhaxaysa, xulka qaranka dalkiisa iyo dhigooda dalka Jarmalka ku daawanaya, garoonka kubada ee Stade de France, ayaa mid ka mid ah ilaaladiisa gaadhku ku war geliyay, in dalkiisu ku jiro xaalad dagaal oo aan laga sii war hayn.

Ilaalada Madaxweyne Hollande Oo Ku Wargelinaya Weerarada Hadheeyay ParisMadaxweynaha Faransiiska Hollande oo isagu wakhtiga lagu war geliyay weerarada iyo argagaxa ku habsaday dalkiisa, ku jiray xaalad ciyaaradeed iyo xamaasad taageerenimo, ayaa dhawr jeer ku cel celiyay, qofkii u sheegayay xaalada ka jirta caasimadda, su’aalo iyo weedho aan caadi ahayn, kuwaas oo u badnaa su’aalo deg deg ah oo jaha wareer ka muuqdo.

Laakiin qofka u sheegayay warka oo xaalada wax badan ka ogaa, ayaa ugu danbayntii u sheegay Madaxweynaha in xalaad deg deg ahi jirto, diyaar garowna looga baahan yahay, waxaanu Hollande uu mar qudha ku yidhi, ma daad gurayn ayaynu u diyaar garownaa, taas oo macnaheedu yahay, in si deg deg ah meesha looga saaro.

SomlegalAds

Ilbidhiqsiyo yar ka dib ayaa lagu wargeliyay inuu qolka gaashaaman ee garoonka galo, kaas oo ah qayb ay ku samaysan yihiin, muraayado xabada celiya iyo albaabo ammaankooda ay ciidamadu sugeen, waxaana deg deg loogu dhiibay telefoono tiro badan oo midba meel ka soo dhacayo, kuwaas oo ka sinaa wararka dhiilada leh.

Madaxweyne Hollande oo telefoon la sarakacayWaxa dhacay qaraxii koowaad, waxaana bilaabmay xaalad argagax ah oo hadhaysay, dadkii ciyaarta ku daawanayay, garoonka Stade de France, xaalada mar qudha garoonka iyo dadkii ku sugnaayeen galeen, ayaa Francois Hollande ku ahayd, naxdintii ugu waynayd noloshiisa.

Sababtoo ah? Waxa uu Madaxweynaha Faransiisku indhihiisa ku arkay argagaxa iyo cabsida shacabkiisu galeen, waxaanu si buuxda u maqlayay, qaylada, oohinta iyo codadka dhiilada leh ee garoonka ka jiray, kuwaas oo uu indhihiisa ku arkayay iyadoo aan cid uga dhowi aanay jirin.

Sida warbaahintu ku warantay, daqiiqadahaasi waxa ay Madaxweyne Hollande iyo shacabkiisu u ahaayeen, kuwii ugu xumaa uguna argagaxa badnaa ee si mid ah u wada hadheeyay.

Ilbidhiqsi ka dib markii qaraxu dhacay, ee uu Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande xaqiiqsaday, in warkii ciidamada ammaanku u sheegeen, aanu mid sax ah ahayn, xalaaduna aanay ahayn mid sugan oo xitaa ammaankiisu halis ku jiro, ayaa waxa dhacay qaraxii labaad, waxaana xigay kii sadexaad, waxaanay dhamaan dhawaaqyada qaraxyadu ahaayeen kuwo garoonka dibadiisa uun ka dhacay oo maqal ku wada ahaa.

garoonkii farxada ku jiray oo mar qudha qaylada iyo baroor isku darsantayWakhtiga weeraradani ku habsadeen garoonka uu kubada ku daawanayay Madaxweynaha Faransiiska Francois Holland iyo todobaatanka kun ee qof ayaa ahayd, 9:20, sagaalkii iyo labaatan daqiiqo wakhtiga Paris, markii xalaadu yara degtay garoonka gudihiisa.

Madaxweynaha Faransiisku waxa uu ahaa mid maqlayay weerarkii labaad ee Paris ka dhex bilaabmay, waxaana shan daqiiqo uun ka dib la weeraray, Le Carillon iyo Le Petit oo iyaguna ku yaala jidka Rue Alibert, toogashada rasaasta ayaa goobtaas ka dayaantay, waxaana is rasaasayn iyo dagaal wakhti socday ka dib ku dhintay 14-qof.

Goob kale oo isla magaalada gudaheeda ayaa weerar kale ka bilaabmay oo rasaastu hadh beeshay, waxaana goobtaas oo lagu magacaabo, Casa Nostra Pizzeria, ku dhintay shan qof oo kale.

Sagaalkii iyo konton daqiiqo markii ay saacadu ahayd ayaa weerarkii ugu waynaa ku habsaday, goob cawys wayn oo magaalada ku caan ahi ku yaala, halkaas oo lagu daawanayay bandhig faneed, waxaana goobtaasi ay ahayd halkii dhiiga ugu badani ku daatay, waxaana halkaas ku dhintay sideetan qof.

Batadan Theater oo isagu noqday meeshii weerarkii ugu waynaa ka dhacay, muddo saacado ahna ciidamada iyo dagaal yahanadii weeraray ku dagaalamayeen, waxa gabi ahaanba lagu qafaashay dadkii bandhig faneedka ku daawanayay, kuwaas oo wax dhinta iyo wax dhaawacma noqday, waxaana ugu danbayntii goobtaas la xoreeyay markii sideetan qof ku dhinteen, tiro kale oo aad u badanina ku dhaawacmeen.

Weeraradan oo ahaa kuwo si qorshaysan loo soo abaabulay, ayaa gaystay dhimashada boqol iyo sagaal iyo labaatan qof, waxaaay dhamaantood u fuleen sidii kooxihii soo qaaday u soo abaabuleen, laakiin waxa layaab ku noqotay shacabka dalkaas iyo Madaxweynahooda Francois Hollande mooganaanta sirdoonka dalkoodu aanu haba yaraatee wax xog iyo sir ah, aanu kaga hayn ugu yaraan lix goobood oo wada muhiim ahna wax ka yar saacad badhkeed loogu wada qaaday.

Muuqaalka khariirada goobihii la weeraray ee magaalada Paris

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.