WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 27, 2012, (Saxafi) – Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Maamulka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa shalay  tababar u furay Sadex boqol iyo Lixdan xubnood oo boolis ah dugsiga tababarka ciidanka ee Mandheera.

Ciidankan ayaa ah ardaydii sannadkan ka baxay dugsiyada sare, kuwaas oo loo qaatay Ciidamada booliska.

Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Maamulka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe oo hadal ka jeediyay furitaankii tababarkan ayaa xusay doorka ciidanka booliska ka saaran hawl galada amaanka lagu xoojinayo iyo waxyaabaha ay ka filayaan inay ciidanka ku soo kordhiyaan Sadexdan boqol iyo Lixdankan ka mid ahaa ardayda ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacadaha wadanka.

SomlegalAds

Wasiir Ku xigeenku wuxuu sheegay in looga baahan yahay inay dhamaystaan tababarka isla markaana u hogaansamaan awaamiirta iyo anshaxa ciidan-nimo waxa uu wasiir ku xigeenka dhinaca maamulka ee wasaarada arrimaha guduhu cadeeyay inay ku rajo weyn yihiin sidii ay ciidankan cusubi marka ay hawl galaan u buuxin lahaayeen meelaha galdalooladu ka jirto ee u baahan in si xigmadi ku jirto loo gufeeyo.

Mudane Cismaan Garaad Soofe waxa uu kula dardaarmay ardaydan tababarka ciidan-nimo u bilaabmay inay ka faa’iidaystaan waxbarashada la siinayo mudada ay dugsiga Mandheera ku jiraan.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ahna madaxa hawl gelinta Ciidanka booliska C.laahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in dufcadan laga soo xulay Gobolada iyo degmooyinka dalka kuna sifeeyay dhalinyaro mutacalimiin ah oo go’aansaday inay aqoontooda uga faa’iideeyaan wadankooda.

Ku simaha taliyaha Ciidanka boolisku waxa uu hoosta ka xariiqay in xilka saaran askariga booliska ah ay tahay ilaalinta hantida muwaadiniinta ay dirayska u qaateen waxaanu intaas ku daray in tababarkani uu socon doono mudo afar bilood ah.

Dhinaca kale, Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo booqasho shaqo ku jooga Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa shalay kulan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Wadankaasi isla markaana uga Xog waramay Marxalada uu dalku ku jiro.

Weftigan waxa kale oo xubno ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay kulankan ku Weheliyeen Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xukuumada iyo Ciidamada Ammaanka.

Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) Waxa uu intaas ku daray in marxalada uu dalku galay ay tahay ka midho dhalinta hayaanka dhinaca dimuquraadiyada iyo sidii ay Somaliland Madal kasta oo caalamku ku kulmo uga sheegan lahayd badheedheheeda ku aadan aqoonsi buuxa oo ay ka hesho adduunka intiisa kale. Isagoo Qurbajoogana ku amaanay soo dhaweyntii ay Madaxweyne Siilaanyo u muujiyeen waqtigii uu ka qaybgalay shir Soomaalida loogu qabtayLondon.

Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo isaguna halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa ka warbixiyay waxqabadkii u hirgalay Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo,waxaa kale oo uu wasiirku iftiimiyay doorka qurbo jooga Somaliland ee ku wajahan horumarinta dalkooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.