WorldRemitAds

Wasaarada Gaashandhiga dalka Ingiriiska ayaa afur u samaysay ciidamada Muslimka ah ee milatariga dalkaas ka tirsan iyo marti sharaf tiro badan oo laga soo casuumay guddiyada jaaliyadaha Muslimka Britain, kuwaas oo markii ay dhamaysteen afurkii iyo cashadii ka dibna salaadihii Makhrib, Cishaayi iyo Taraawiixdiina ku dhex tukaday barxad wayn oo wasaarada dhexdeeda ku taala.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga  [wp-svg-icons icon=”twitter-2″ wrap=”i”] @Saxafi

Sida bayaan warbaahinta loo qaybiyay oo uu ku saxeexan yahay, la taliyaha arrimaha Islaamka u qaabilsan wasaarada difaaca Ingiriiska, Caasim Xaafid, wasaarada ayaa muslimiinta ka tirsan ciidamada Britain iyo jimciyadaha kala duwan ee muslimiinta Ingiriiska u samaysay casuumad afur iyo casho ah.

SomlegalAds

Casim Xafid ayaa talaabadan ku tilmaamay guul wayn oo u soo korodhay muslimiinta ka tirsan ciidamada Ingiriiska, kuwaas oo sida uu sheegay sanadihii hore dhibaato wayn iyo is faham daro kala kulmi jiray, maamulka gaashaandhiga Britain iyo ciidamada kale ee ay wada shaqeeyaan.

La taliyaha arrimaha Islaamka u qaabilsan wasaarada gaashaandhiga Ingiriiska Casim Xafid ayaa ka waramay, adeegyo kala duwan oo wasaarada difaaca iyo taliska guud ee milatarigu u fidiyaan ciidamada, waxaanu xusay in adeegyadaas ay ka mid tahay, afurka iyo cashada marti soorka ah ee ciidamada Muslimka ah.

Sida warbaahinta dunidu ku warantay afurka, cashada iyo salaada lagu qabtay wasaarada gaashandhiga Ingiriiska ayaa noqonaya kii ugu horeeyay abid ee ciidamada Muslimiinta ah loo sameeyo, isla markaana lagu casuumo marti sharaf ka tirsan bulshada Islaamka ee dalka Britain.

Labo todobaad ka hor ayay ahayd markii wasaarada gaashandhiga Ingiriisku ogolaatay, in askarta Muslimiinta ah ee Britain ay Cumrada soo gudan karaan, fasax la xidhiidha safar diimeedkoodana ay heli karaan, waxa kale oo isna si wayn u amaanay raysal wasaaraha dalkaas David Cameron, kaas oo si mug leh uga waramay doorka muhiimka ah ee difaaca Britain ay ku leeyihiin, muslimiintu iyo sida ay naf iyo maalba ugu huraan ammaanka Ingiriiska.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.