WorldRemitAds

Berbera, Somaliland April 15, 2018 (Saxafi) – Agaasimaha Guud ee wasaaradda biyaha Somaliland Jamaal Cabdi Muuse  oo ay Wehelinayan Isuduwaha wasaarada Biyaha ee Gobolka Saaxil Ibraahin Cumar Maxamuud  iyo Saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda biyaha Somaliland ayaa booqdey Ilaha Biyuhu uga yimaadaan Berbera.

Deeganada ay booqdeen wafdigani ayaa waxaa ka mid ahaa  Dubaar, Dooxyada Faro Deero,Ceelgumare iyo Dooxa kala jab , Iyadoo Wiigagii u danbeeyay Dooxyadan Laga Hirgaliyay Ceelal Cusub oo Lagu dari Doono nidaamka  Biyaha Berbera.

SomlegalAds

Agasimaha Guud Ee wasaaradda horumarinta biyaha Ee Somaliland waxaa kale oo uu booqday xafiiska wasaaradda biyaha Somaliland ay ku leedahay Berbera, halkaasi oo uu kula kulmay maareeyaha wakaaladda biyaha Berbera Axmed Aadan Ismaaciil iyo agaasimayaasha waaxyaha kala duwan.

Agaasime Jamaal ayaa safarkiisan shaqo wuxuu daaran yahay sida uu sheegay dar dar galinta wax soo saarka biyaha oo muddooyinkii u dambeeyay cabasho ka taaganayd, waxaanu sheegay in dadaal badan oo wasaarad ahaan ay sameeyeen xiligan Berbera ay ka hirgaliyeen ceelal cusub oo wax weyn ka tari doona baahida biyaha Berbera.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.