WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 7, 2014 (Saxafi) – Wasiirka Degaanka ee Somaliland Marwo Shukri Xaaji Baandare, ayaa soo saartay Wareegto ay ku mamnuucayso ka ganacsiga Duur-joogta iyo in dalka laga saaro Duur-joogta.

Wasiirka Deegaanku ayaa walaac ka muujisay dad shisheeye ah oo dalka ka Ugaadhsada duurjoogta guranaysa, kuwaas oo ay caawinayaan Muwaadiniin Somaliland u dhashay.

Wasiirku waxay sheegtay in Dadku ka dhego adaygayaan Shuruucda iyo mamnuucista waxyaabaha ka dhanka ah Duur-joogta iyo degaanka “Wareegtada aan maanta soo saaray, waxay ku saabsan tahay sidii loo xakamayn lahaa Duur-joogta ee loo xannaanayn lahaa ee looga dayn lahaa dibin-daabyaynta maanta lagu hayo oo ay kow ka tahay Ugaadhsiga iyo Dhoofka Sharci darada ah. Duur-joogta oo ah wax Allaale wixii duur-joogta hoos yimaada oo Shimbiruhuna ku jiraan.” Ayay tidhi Wasiirka degaanka.

SomlegalAds

Wasiir Shukri waxay sheegtay inay hore uga soo saareen dhawr wareegto oo lagu mamnuucayo dhibaataynta Duur-joogta iyo deegaanka balse dadku aanay dheg jalaq u siin “Nasiib daradu waxay tahay, waxaad moodaa in dadku aad iyo aad uga dhego adaygayaan wixii Shuruucda ku saabsan, waxaad moodaa inaanay dad badani dhegba jalaq u siinayn”

Wasiirku waxay sheegtay in meelaha ugu daran ee si sharci daro ah looga dhoofiyo Duur-joogta ama Shimbiraha lagu Ugaadhsado lagala soo degaa tahay Madaarada dalka “Waxyaabaha ugu daran ee aanu isleenahay in aad loo xakamayeeyo ayay u baahan yihiin waa Madaarada.Kolay wasiirkana hore waanu ugala hadalay, imikana warqaddan way ku jiraan Wasiirka iyo waaxda Socdaalku bal in la ilaaliyo Madaaradda. Madaarada dhibaatada ka taagani waxa weeye Dadka Ajanabiga ah ee inoo imanaya ayaa qaarkood sitaan Shimbirahan lagu Ugaadhsado.Shimbirahaas ilaa saddex warqadood oo aanu ilaa sanadkii hore soo saaray ayaanu dalkaga mamnuucnay,haddana waxaad moodaa in iyagoo qarsoodi ah oo wasaaradda laga qarinayo dalka la  soo galayaan dadka Shisheeyaha ahi,dabadeedna dadkeenu kaxaynayaan oo meelo ay ka soo Ugaadhsadaan gaynayaan,arintaasina Sharciga ka hor imanaysaa”ayay tidhi Wasiirka degaanku

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.