WorldRemitAds

Shamma Al Mazroui, oo ah wasiirka dhallinyarada Imaaraatka Carabta, ahna xubinta ugu da’da yar golaha wasiirada ayaa bisha barakaysan ee Ramadaan ka bilowday afur qaybin si tabaruc ah ay jidadka waaweyn ee magaalada Dubai maalin walba uga qaybiso.

Shamma Al Mazroui, oo 22-jir ah ayaa laga dhigay wasiirka dhallinyarada ee Isutaga Imaraaatka Carabta, mar sanadkan bilowgiisi lagu sameeyay isku shaandhayn balaadhan, waxaanay gabadhan oo ka mid ahayd ardaydii ugu dhibcaha sareeyay jaamacadaha dalkeedu noqotay mid si wayn warbaahintu uga warantay magacaabisteeda, laakiin si degdeg ah loo waayay oo saaxadda ka yara dhex baxday.

SomlegalAds

Hasa yeeshee waxa ay dib warbaahinta iyo sheekada dadweynaha ugu soo noqotay, bisha barakaysan ee Ramadaan, oo warbaahinta iyo shacabkuba ku war heleen iyadoo afur bilaash ah ku qaybinaysa jidadka waaweyn ee Imaarada Dubai.

Wasiiradan ayaa hawshan tabaruca ah, maalin kasta ka qabata jidadka waxaanay afurisaa dadka ceeryoonka gaadiidku ka habsaamiyay afurka iyo kuwa aan heli Karin ama socotada ah, waxaanay qaybisaa, afur kala duwan oo ka kooban timir, saanbuuse iyo sharaab aad u qabow.

Shamma Al Mazroui, wasiirka dhallinyarada Imaraatka carabta ayaa diiday inay warbaahinta u waranto, waxaanay sheegtay in shaqadani tahay mid samo fa loo ay Illaahay (SW), ajri kaga doonayso, hantideeda gaarka ahna ay u hurtay, oo aanay doonayn inay ka noqoto mid istusnimo iyo halagaa sheego ah.

Talaabadan ayaa si wayn looga soo dhaweeyay waddankeeda, waxaanay qaar badan oo kamid ah dadweynaha dalkaasi ku tilmaameen shaqo wanaagsan oo ku dayasho mudan, inta badan dadkii rayigooda ka dhiibtay shaqadan samo falka ah ee ay wasiiradani ku kacday ayaa wasiirada kale ee dhigeeda ah u soo jeediyay inay ku daydaan, kana soo baxaan qaboojiyaha iyo guryahooda ay ku raaxaysanayaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.