WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 5, 2018, (Saxafi) – Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kaalmo laxaad leh ku harqiyay taliska iyo Wasaaradda gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Gaashaandhiga JSL Garyaqaan Jamaal Cabdilaahi Muxumed (Cadhoole) oo arrintan war ka soo saaray shalay ayaa waxaa uu yidhi. “Waxaa labadii toddobaad ee ina dhaafay si xawli ah oo aan kala joogsi lahayn Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland u soo gaadhayey kaalmada ay shacabka reer Somaliland ugu deeqayaan Ciidamadooda geesiyaasha ah ee ku sugan jiida hore ee Tuka Raq.

SomlegalAds

Kaalmadan oo iskugu jirta raashinka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa ciidamadu sida gaarka ugu baahan yihiin iyo Xoolo nool ayaa waxaa dadweynaha reer Somaliland kala wareegayey gudi ka kooban Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland iyo Taliska Guud ee Ciidanka qaranka Soomaaliand oo uu madax u yahay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Jamaal Cabdilaahi Muxumed (Cadhoole).

Gudidan oo uu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ciise Axmed Yuusuf (Xawar), ayaa waxaa ay ilaa hada gudoomeen deeq balaadhan oo mug iyo miisan leh taasi oo hada madaxeedii gaadhay Ciidamada qaranka ee jiida hore ku sugan.

Dadweynaha reer Somaliland oo caan ku ah dal jacayl iyo inay Ciidamadooda kala duwan is garab taagaan  hiil iyo hooba ayaa waxay ciidamada ilaa hada la garab taagan yihiin kaalmo aan kala go’ lahayn iyagoo isku abaabulaaya heer Gobol ilaa heer Dagmo dhinaca kale dadweynaha reer Somaliland oo markasta u taagan nabad galyo, jaarnimo wanaag iyo walaaltinimo ayaa ku baaqaya in nabada la wada ilaashado dagaalkuna aanu marnaba xal ahayn balse ciidamada Somaliland daan daansi iyo gardaro cad lagu hayo taasina ay keentay inay dalkooda iyo naftooda daafacaan.

Guntii iyo gaba gabadii dadweynaha reer Somaliland ayaa ilaa hada soo laba dhigaya kaalmada ay ugu talo galeen Ciidamada qaranka ee jiida hore ee dalka ku sugan iyadoo gudida isku xidhka kaalmooyinka loo wado Ciidanka qaranku ay hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan diyaarna u yihiin inay shacabka reer Somaliland kala wareegaan isla markaana gaadhsiiyaan Ciidamada qaranka kaalmooyinka muga iyo miisaanka leh ee ay Ciidankooda geesiyaasha ah ugu talo galeen.”

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.