WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 30, 2018 (Saxafi) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland, ayaa soo bandhigtay Qalab Casri ah oo dawladdu u adeegsan doonto Cashuurta Badeecadda iyo Adeegga (GST-Goods and Service Tax) ee ay u xilsaaran tahay Waaxda Cashuuraha Beriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Waxaana qalabkan sida wasaaraddu sheegtay la dhigi doona goobo cayiman oo 100 goobood oo muhiim ah kana mid ah meelaha lagu qaado Cashuuraha Bariga.

SomlegalAds
Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qalab
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi oo ay weheliyaan Madaxda  Xafiiska Cashuuraha Bariga ee wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay una soo bandhigay qalab casri ah oo dawladdu dhigayso laguna qaadi Doono Cashuuraha  Bariga lana dhigi doono Goobaha Huteeladda iyo Xafiisyadda Tigidhadda Laamaha Socdaalka laga qoosta iyo goobaha muhiimka ee Cashuuraha Bariga, waxaanu wasiir  Yuusuf Maxamed Cabdi sharaxay ujeedka  qalabkan casriga ay wasaaraddu keentay laga leeyahay,  nidaamka uu u shaqayn doono qalabkani oo hada ay si hor dhac ah uga sii bilawday dhigtayna wasaaradda Maaliyaddu.

Yuusuf Maxamed Cabdi oo ugu horeyn sharaxay qalabkan cusub ee casriga ah iyo ujeedka ay dawladdu ka leedahay waxa uu yidhi “Waxaanu maanta shacabka Somaliland si rasmi ah ugu soo bandhigaynaa in hawlihii aanu wadnay kuwo ka mid ahi ay ku jiraan marxaladahoodii u dambeeyey , waana cashuurta loo yaqaano (GST/Goods and Services Tax) ee Cashuurta Baddeecadda iyo Adeega, taasi oo wax badan ka shabahda cashuuraha aduunyada iyo dalalka horumaray caanka ka ah ee loo yaqaano  (value-added Tax “VAT”) waa cashuurta Qiimaha lagu daray, hadaba waxaan doonayaa in aan dadka la socodsiino waanagii hore u daahfuray xafiiska wayn ee loo yaqaano , xafiiska ganacsatadda waa wayn lagu diwaangeliyo ama waxan loo yaqaano (Large Tax Buyer Office) kaas oo ganacsadde kasta oo dalkan wax soo dejiyaa ama ka dhoofiya  siinaya waxa loo yaqaano (TIN/Tax Identification Number) oo ah baadi sooc ganacsade waliba uu gaarkiisa u leeyahay”

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay QalabWasiir Yuusuf oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka hadlay Qalabkan casriga ah ee qabashadda Cashuuraha Bariga dawladdu ku qaadi doonto iyo goobaha loo asteeyey ee la dhigi doono waxaanu yidhi “Waxaanu isla garanay ganacsatadda waa wayn ee dalka Somaliland leeyahay oo ilaa 150 ganacsadde ah, kuwa wax soo dejiya iyo kuwa wax dhoofiya ee kala duwan ayaa ka shaqeeya in marka hore aanu ku sii bilawno cashuurta tan Huteeladda  ama waxa loo yaqaano (Hutel Industries)-ka iyo Xafiisyadda Tigidhadda socdaalka laga goosto oo ah (Travel Agencies)-ka iyo Xafiisyadda  Kombaniyaddda waa wayn ee Korontadda Iibiya, cashuurtan xadigeedu waa 5% oo  Qiimaha lagu dhufanaayo, cashuurtani caadiyan waxay ka mid tahay cashuuraha Isticimaalka ee loo yaqaano (Conception Tax)-ka, cashuurtani waa cashuur dadka ganacsatadda ah ee iyagu leh Hudheeladda ee iyagu marka la tababaro ee aqoon korodhsiga la siiyo ee heshiis sugana la la galo Mishiinadiina lagu wareejiyo ay iyagu ururinayaan waaxda cashuuraha bariga iyo khubaro ka kooban hanti dhawrka guud ee qaranku ay ku dabagalayaan oo ku hubinayaan isla markaana la la soconaayo”

Yuusuf Maxamed Cabdi ugu dameyntii waxa uu isaga oo hadalkiisa sii wata inta ku daray “Hargeysa ayaanu marka hore u qaadanay tijaabo ahaan  140 Huteel in aanu in aanu ku sii bilawno hawsha oo 140-kii Hudheel 29 Huteel waxay yeesheen Mishiinadda yar yar ee (point of sale computer systems)  ee dadka iyaga si toosa lagu geliyo, marka kuwa iyaga dib ayaanu u dhiganay si is waafajinta (APrinter Server) iyo wixii farsamo ah ee loo baahan yahay in aanu sameyno loo dejiyo, laakiin waxaanu si toosa u qaadanay 111 Huteel kuwaasi oo iyagu aan lahayn nidaamkani, imika waxaanu dhignay Mishiinaddii 14 ka mid ah oo hada Mishiinaddani yaalaan, oo qaab dhacdo maaliyaddeedka dawladda ee maalinlaha ahi sida uu u dhacaayo iyo sida uu u shaqaynaayo tijaabo ahaan ayuu wali ku socdaa, waayo wuxu ku socdaa, waxaanu doonaynaa marka aanu dhamaan Mishiinadda wada dhigno ganacsatadda waa wayn ee aanu u astaynay hawshan ayaanu u sameyn doona xaflad wayn oo daahfur ah taasi oo si rasmi ah marka u bilaabi doonta nidaamkan ururinta cashuuramaha muhiimka u ah”

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo ay weheliyaan masuuliyiin iyo madaxda wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee ay hawshan ka wada shaqaynayaan, ayaa sido kale booqday laba xafiis oo laga maamuli doono qalabkan casriga ah ee qabashadda iyo ururinta cashuuraha loo sameeyey iyo qalabka kale oo lagu la soconaayo wada shaqaynta wasaaradda Maaliyadda iyo wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee kala duwan isku xidhkooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.