WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 11, 2016 (Saxafi) – Wasiiradda Caafimaadka iyo Warfaafinta ayaa amar ka soo saaray in aan xayeysiis dambe oo caafimaad oo aan rusqad ka haysan wasaaradda Caafimaadku laga baahin Karin warbaahinta.

Sidoo kale, wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Cismaan Saxardiid Cadaani ayaa sheegay in shirkadaha isgaadhsiinta ay khalad tahay inay baahiyaan xayeysiisyadda maadaama oo aanay liisan u haysan inay wax xayeysiiyaan balse ku eekaadaan uun telefoonada.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Axmed Xaglo Toosiye ayaa sheegay in aan warbaahinta laga sii deyn xayeysiis Rug caafimaad oo aan rusqad ka haysan wasaaradda Caafimaadka, waxaanu tilmaamay xayeysiiska caafimaadku ay waxyeelo badan ku hayaan dadkeena iyo dalkeena oo lacago badan lagaga furtay xayeysiis caafimaad oo ay sameeyeen dad aan ehel u ahayn caafimaadka.

SomlegalAds

Wasiir Xaglo toosiye oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Joojinta xayeysiinta caafimaad ee ka baxa telefishanadda, jaraa’iidadda, idaacadaha iyo fariimaha telefoonadda in la joojiyo haddii aanu xayeysiintaasi rusqad ka haysan wasaarada caafimaadka, waxaad la socotaan xayeysiiso badan oo ku saabsan ganacsi oo ku salaysnayd tayo iyo danta qofka muwaadinka ah ee ay leeyihiin waxbaanu u qabanaynaa, xayeysiista caafimaadku waxay keenta in dad badan lagu khaldo oo dhibaatooyin badan ku keento dadka, wuxu noqdo wax la isticmaallo oo dadka lagu dhaco waxay noqotay ganacsi, qaar baa leh waxaanu daweynaa cuduro aan dawaba loo helin, wuxu ku leeyahay shan iyo konton cudcur baan daweeyaa oo ay ku jiraan kuwo illaa hadda caalamkuba dawo u helin, waa wax dadka lagu khaldayo waa wax dadka lacagta lagaga furto..

Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Cismaan Cadaani ayaa isna sheegay in aan dib dambe loo xayeysiin doonin xarumo caafimaad oo aan rusqad ka haysan wasaaradda Caafimaadka, waxa kale oo uu kahadlay in shirkadaha isgaadhsiinta sharci daro ku tahay inay baahiyaan xayeysiin, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “isgaadhsiinta maaha warbaahin waxay liisamada ku hasytaan waa telefoono, marka hore sharci daro tahay in ay ku baahiyaan shirkadaha isgaadhsiinta haday tahay somtel ama haday tahay Telesom ama mid kalaba, hora waanu kula hadalnahay imika amar baan ku siinaynaa waxa weeyi hawshooda iyo shaqadooda maaha, sharcigii ay rusqadda ku qaateen bay jabinayaan, haday baahin tahay shirkaddo u furan iyo jaraa’id baa furan xayeysiinta, iyagoo markii horaba waxba reebin oo jeebabkii dadka ugala soo baxay ayey hadana ku darsadeen intii yarayd ee warbaahinta waxaan leeyahay dee raali ahaadda.”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.