WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, May 29, 2018 (Saxafi) – Masuuliyiinta Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo ay weheliyaan guddida Komishanka Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu, ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawliga Somaliland ee kala duwan tiradda sugan ee rasmiga shaqaalaha wasaarad iyo hay’ad kasta oo dawli ah ay u diiwaan gelisay inay shaqaalaha rasmiga ah u noqon doonaan laguna soo xaqiijiyey diwaangelintii ay guud ahaan shaqaalaha dawladda ee dalka ku soo samaysay hay’adda shaqaaluhu.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, masuuliyiinta iyo madaxda kale ee hay’addaasi iyo guddida Koomiishanka shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa Shalay kulan rasmi ah oo ay agaasimayaasha guud, maareeyayaasha iyo Guddoomiyayaasha Wasaaraddaha iyo Hay’adda dawladda ee Qaranka Somaliland ugu yeedhay, waxay si rasmi ah ugu wareejiyeen xogta tiro koobka Shaqaalaha Rasmiga ee diwaangelintii shaqaalaha dawladda ee dalka lagu ay hay’adda shaqaaluhu ku soo hubisay kuna soo diwaangelisay ee shaqaalaha cayiman ee wasaarad iyo hay’ad kasta oo dawli ahi hada laga bilaabo yeelan doonto iyada oo marka ay wasaarad ama hay’ad kasta oo dawladdeed xogta shaqaalahan rasmiga ah marka ay qaadato soono hubiso inay ku soo war-celiso hay’adda shaqaalaha.

SomlegalAds

Md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa Warbixinta uu ka jeediyey iyo kulanka  hay’dda uu madaxda ka yahay ay wasaaraddaha iyo hay’addaha dawladda ee kala duwan ku wareejisay xogta rasmiga ah ee shaqaalaha dawladda ay soo diwaangeliyeen laguna wareejiyey meelihii ay ka hawlgelaayeen waxa hadalka guddoomiye Sharmarke madasha ka jeediyey u dhignaa sidan. “Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL   (Civil Service Commission) , waxa ay   si rasmi ah  wasaaraddaha kala iyo hay’adda kala duwan ee dawladda Somaliland,  ay Wasaarad walba ugu wareejisay tirada shaqaalaha ee is-diiwaangeliyey, si ay faraqa uga soo falceliyaan.

– Waxaa maanta (Shalay)  si rasmi ah loo soo xidhay hawl-qabadkii tamarta badan la geliyey ee tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo.

– Wasaarad iyo hay’add walba oo dawladeed waxaa loo dhiibay xogtii shaqaalaheeda oo tafatiran si ay u soo darsaan isla markaana ay markii ugu dambaysay uga soo falceliyaan.

-Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Agaaasimeyaasha guud iyo Ag/waxeedyada maamulka iyo kobcinta cudduda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawladda ayaa lagaga tashaday jidka loo marayo shaqaale haboon, shaqo-qaybsan, shaqaalayn hufan iyo daba-gal cad oo shaqaalaha dawladda lagu hubiyo joogitaan iyo bixinta adeeg hufan-ba

-Intii kulanku socday ayaa Agaasimeyaasha guud ee dalka iyo hay’adda shaqaalaha dawladdu wada yeesheen tallooyin iyo xog-is waydaarsi iyadoona loo balamay dawladayn casri ah iyo adeeg raaliya geliya shacabka

-Ugu dambayn agaasimeyaasha guud oo ay wehelinayaan ag/waxeedka maamulka iyo kobcinta cudduda shaqaalaha ayaa lagu wareejiyey xogtii wasaaradiisa si ay u soo faaqidaan ugana soo warceliyaan.

-Kulanka u dambeeya ee xidhitaanka ayaa loo balamay marka Ciidka laga soo noqdo taasi oo lasoo bandhigi doonno xogtii ugu qiimaha iyo tirada badnayd ee laga soo helay Shaqaalaha dawladda oo shaxaysan, halkaas oo la heli doono kaalmaha shaqo ee u baahan in la buuxiyo iyo guud ahaan xaalada ay ku suggan yihiin shaqaalaha dawladdu, Tallaabooyinkii u dambeeyey ee tirinta shaqaalaha dawladda iyo bilowga tayeynta shaqaalaha.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.