WorldRemitAds

Nin wasiir ka ah dal Carbeed ayaa si badheedh ah u weeraray Xijaabka ay haweenka Muslimka ah ee dalkaasi ku asturaan Madaxooga.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

Hadal ka soo yeedhay wasiirka gaadiidka ee dalka Tuunis ayaa cadho wayn ku abuurtay shacabka dalkaas, waxaana meelo badan oo dalkaas ah ka dhacay, dibad baxyo lagaga soo horjeedo hadalka wasiirkan iyo gabadh xijaaban oo ka mid ahayd hablaha ka shaqeeya diyaadaha oo uu shaqadii ka eryay.

Wasiirka gaadiidka Tuunis Maxamed Bin Ramadan oo ka hadlay idaacada dawladda ee dalkaas, ayaa sheegay in haweenka xijaabka xidhaa, ku dhego beelaan oo sida uu ku dooday boqolkiiba afartan maqalkoodu diciifo.

Wasiirka ayaa hadalkan sheegay mar uu doonayay inuu u qiil sameeyo gashaanti xijaaban oo uu ka eryay shaqada diyaaradaha ee dalkaas, waxaanu sheegay in haweenayda xijaabani dhego cuslaato taasina ay halis ku noqon karto nolosha iyo adeega rakaabka.

Boqolaal dhakhtar iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa isagu soo baxay barxada hore ee xafiiska wasaarada gaadiidka ee dalka Tunisiya, waxaanay dadkani codsadeen in wasiirka deg deg looga eryo shaqada, isla markaana maxkamad la hor keeno oo wax laga waydiiyo halka uu ka keenay eedaymihiisa xijaabka ee uu ku sheegay in lagu dhego cuslaado.

Dhakhaatiirta dalka Tuunis ayaa iyaguna wasiirkan Xijaabka ku tilmaamay in lagu dhego cuslaado u qoray, codsi ay kaga dalbanayaan inay kulan dood ah la yeeshaan wasiirka, si uu cadayn uga bixiyo halka uu ka keenay in xijaabka lagu dhego culaado oo boqolkiiba afartan maqalka hawenka xijaabani hoos u dhaco ama daciifo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.