WorldRemitAds

Shirkii waan tagoo anigoo Muuse Biixi ag fadhiya ayaan ka codeeyey, madaxweynaha dhinaca kale ka ag fadhiyeyna wuu u codeeyey”Cukuse

“Aniga iyo xoghayaha Madaxweynaha iyo safiirka Imaaraadka ee Baashe Cawil waxaanu u codeynay Xaglo toosiye, rag kale oo meesha fadhiyey oo madaxweynuhu ka mid ahaana wuxuu u codeeyey Saylici waa dimuqraadiyad” Wasiir Cukuse

Hargeysa, Somaliland, November 13,2015 (Saxafi)-Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa hadaladdii ka soo yeedhay isbahaysiga musharaxiinta kulmiye ee  shirweynaha qaadacay ku tilmaamay kuwo aan run ka sheegin doorashaddii si dimuqraadiyadda ahayd uga dhacay madasha.

Cukuse ayaa ku faannay in isagoo Muuse Agfadhiya ka codeeyey halka madaxweynuhu u codeeyey, waxaa kale oo uu xusay inuu isaga iyo xogyaha madaxweynuhu u codeeyeen Wasiir Xaglo Toosiye markii uu la tartamayey Saylici.

Cukuse ayaa sheegay in doorashadda ka dhacday shirweynihii golaha dhexe ay ahayd mid dimuqraadi ah oo si wanaagsan loogu  kala baxay, isagoo duray hadaladii ka sooyeedhay Samaale iyo Maxamed Biixi, waxaanu xusay in nin aan shirk aka soo qaybgalin aanay haboonayn inuu ka hadlo arrimaha shirkaasi.

SomlegalAds

IMG_4256Wasiirka warfaafinta oo madaxweynaha ka difaacaya eedihii isbahaysigu usoo jeediyeen ayaaa hadalkiisa ku bilaabay “dimuqraadiga xisbiga kulmiye ka jira waxay la mid tahay dimuqraadiyadii aynu ku caano maalnay ee Somaliland ka jirtay dhawr iyo tobankii sanadood ee ina soo dhaaftay, waa hanaankeenii dimuqraadi wuu sii koreeyaa maalinba maalinta ka dambaysa wuxuuna noqonaya mid xiiso leh, shirka kulmyie wuxuu la mid ahaa dimuqraadiyadaasi ka jirta dalka,  Samaale waxa uu wax ka sheegay mawqifka madaxweynaha oo uu su’aal ka keenay su’aalo isku soo noqnoqonayey oo iskugu biyo shubanayey mawqifka madaxweynaha, jawaabtuna waxa weeyi mawqifka madaxweynahaiyo dimuqraadiyada sidee bay ahayd uun buu Samaale u jeedda, mawqifka madaxweynuhu waxay ahayd  taas dimuqraadiga ah waxaana haynaa daliil, madaxwnuhu markii uu London ka soo noqday wuxuu qaatay inuu dhagaysto dhinacyadii isku hayey xisbiga,markii uu dhagaystay labaddii dhinac wuxuu sameeyey inuu mideeyo labaddii garab oo hal garab wada noqdaan, waa lagu heshiiyey, hadana cabasho kale ayaa soo baxday waxay madaxweynaha la noqotay inay is arkaan kuwii cabanayey iyo kuwii laga cabanayey, waxay noqotay in guddi ka madax banaan wixiiba uu magacaabo, shirka inuu yimaado iyo in uu iman waayo isaga xaqaasi leh qofku, anigu shirkii waanu tagnoo anigoo Muuse Biixi ag fadhiya ayaan ka codeeyey, madaxweynaha dhinaca kale ka ag fadhiyeyna wuu u codeeyey, markii madaxweyne ku xigeenka loo tartamayey ee Saylici iyo Xaglo Toosiye ku tartamayeen, aniga iyo xoghayaha madaxweynaha iyo safiirka Imaaraadka ee Baashe Cawil waxaanu u codeynay Xaglo toosiye, rag kale ee meesha fadhiyey ee madaxweynuhu ka mid ahaana wuxuu ucodeeyey Saylici waa dimuqraadiyad, wasiirka Maaliyadda ayaa ka mid ahaa kuwii Xaglo Toosiyey u codeeyey, marka la leeyahay madaxwyenuhu miyuu dhinac ku adkaysto dee wuu ku adkaystay ee marka shirka la joogo cidii doono codkiisa siin kara waana xaq uu leeyahay  haddii ay iman lahaayeen Samaale iyo Maxamed Biixiba mid uun buu codka siin lahaa, marka uu shirka golaha dhexe fadhiyo waa xubin golaha dhexe ka mid ah, tabashadda codka shirka waxa uun ka hadli kara raggii tartamayey laakiin nin shirka dibadda ka joogay oo shirkaba qaadacay maaha inuu ka hadlo, maad timaadid oo u codeysid xubin golaha dhexe ka mid ah ayaad ahayde”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.