WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, March 04, 2018 (Saxafi) – Wasiir Ku Xigeenka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Maxamed Daahir Axmed ayaa ka laabtay safar shaqo oo uu ugu maqnaa magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo qaatay mudo afar maalmood.

Wasiir Maxamed Daahir ayaa magaaladda Nairobi intii uu ku sugnaa kulamo mhiim ah oo is-xogwaraysi kula yeeshay madaxda sarsare ee Bangiga aduunka (World Bank), kuwaas oo ay ka wada xaajoonayeen qorshaha lixda mashruuc ee Wasaaradda Maaliyaddu  World Bank kala shaqayso oo iyayagu kala ah:-

  1. Mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda (Civil service strenthenig reform program).
  2. Mashruuca dib u habaynta maaliyadda (Public financial Management Capacity Strenthening Project (PFM)
  3. Mashruuca biyaha/Xoola dhaqatada (Water for Agro Pastrol Pilot Project (WALP)
  4. Mashruuca dhisida hay’adaha dhaqaalaha (Core economic institutions and opportunities program (Score).
  5. Urban Investment Preparation Project (SUIPP).
  6. Mashruuca horumarinta dakadda.

Sidoo kale Lixdaa mashruuc ee aynu xaga sare ku xusnay oo wasaaradaha kala duwani ee qaranku ay kala fuliyaan ayey dhamaantood  wasaaradda  Maaliyaddu ay World Bank la saxeexatay, isla markaana masuul uga tahay in dhaqaalahoodu si sax Ah u baxaan (Fidiciuary Responsibility).

SomlegalAds

Wasaaradda Maaliyadda SomalilandDhinaca kale Waxa si gaar ah kulanadaa Diirada loogu saaray sidii loo dhisi lahaa sanduuqa talax gabka shaqaalaha dawladda (Civil Service Pension Fund).

Waxa sidoo kale la isla qaatay kulamadaa sidii loo hirgalin lahaa nidaam xisaabeed casri oo ku dhisan isla xisaabtan iyo daahfurnaan, si loogu guulaysto in mustaqbalka dhaw caawimada la siiyo Jamhuuriyada Somaliland toos loo mariyo miisaaniyada qaranka.

Waxaana kulamadaasi kala duwan la iskula qaatay in la ilaaliyo maamul wanaaga iyo xisaabta mashaariicda world bank, lana kobciyo hawl qabadka xafiiska

Dhinaca kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaadda Horurmarinta Maaliyadda Somaliland Md Maxamed Daahir Axmed waxa uu la kulmay  Xafiiska mucaawinooyinka ee Midowga Yurub, Hay’adda deeqaha dibada ee ingiriiska (DFID), Hay’adda deeqaha dibada ee Faransiiska iyo shirkadda xisaabaadka iyo hantidhawrka ee Price Waterhouse coopers (PWC) ee kala shaqaysa wasaarada maaliyadda dib u habaynta nidaam xisaabeedka maaliyada qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Intaas ka dib Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Maxamed Daahir Axmed waxa kale oo uu kulamo la yeeshay qurbo joogta Somaliland ee Magaaladda Nairobi iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Ambassador  iyo aqoonyahanada Somaliland ee u shaqeeya World Bank iyo UN-ka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.