WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 21, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo Safar la xidhiidha arrimaha nabadgeliyadda ugu maqnaa Dalalka Ethiopia Iyo Kenya ayaa shalay Dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka oo shalay galab ka soo Degay Madaaarka Egal International ee Caasimada Hargeysa oo warbaahinta kula hadlay qaybta nasashada ee Madaarkaasi ee VIP-da ayaa ka xog waramay ujeedada safarkiisa. “Safarkayagan, waxaanu ugu baxnay dalka Ehtiopia iyo Kenya oo aanu kaga qayb galnay shirar dhawr ah, kuwaasoo aanu runtii natiijo wanaagsan kala kulanay, Ethiopia waxaan kula kulanay wasiiro iyo hay’adaha nabad galyadda oo runtii aanu ku wada hadalnay meeqaamka dalkaasi noo dhexeeya iyo ilaaqaadka fiican, waxaanu kala hadalay sida loo fududaynayo isku socodka labada dal iyo bulshada labada dawladood, waxaanu kala hadalnay arrimaha nabad galyada oo runtii aanu aad iskaga kaashano.”
Wasiir WarancaddeWasiirka arimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay. “Waxaanu u gudubnay dalka Kenya oo isna aanu shir kaga qayb galnay nabad galyada ah oo qaarkood aan loo baahnayn inaanu halkan ka sheegno oo aan wakhtigoodi bislaanin. Waxaan runtii aad iyo aad aan u jeclahay inaan halkan uga sheego wadankan iyo dalkan reer Somaliland caalamku siday u arkayaan debadaha in la inoo arkayo umad ku caanbaxday nabadgalyo iyo horumar dal-wanaagsan iyo nidaam maamul oo runtii aad iyo aad u sareeya. waxaana runtii laynagu majeeranayaa sidaa aynu dawlad iyo shacaba u hananay dalkan hogaamintiisa, xasiloonidiisa iyo nabadgalyadiisa, Waxaa Kale oo runtii Xusid mudan waxyaabaha runtii caalamku la dhacsan-yahay ee laynagu ma jeerto ama laynagu maamuusayo waxaa ka mid ah, dhaqan aanay Afrika lahayn horana aanay u lahaan jirin oo ah inaynu sidayno madaxdeena qarankuna jideeyeen khaas ahaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah inaynaan ahayn dad ku sifooba ama madaxdeenu ahayn dadku sifoobay kursi jacayl iyo inay xukunka u qabtaan hunguri inay wax ka helaan, laakiin waxaa muuqatay inay u qabtaan xukunka inuu wax taro dadkiisa iyo dalkiisaba taasina waxay keentay in runtii aad naloo weydiiyo oo la majeerto runtiina ay noqotay duruus Qiimo Leh oo madaxweynaha dalkani u dhigay madaxda ka danbaysa mustaqbalka’ jiilka cusub iyo Afrikaba. Inaanu masuulku u iman kursi jacayl iyo inaanu ku negaanin muddo dheer laakiin uu u fikiri karo qofku mudada loo baahanyahay inuu ku maamuusi karo inuu ka tanaasulo hadii ay dhamaato”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.