WorldRemitAds

Haweenayda wasiirka wasaarada dhaqanka iyo ciyaaraha ee dalka Israel Miri Regev, ayaa shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook, waxaanay haweenaydani bogeeda ku baahisay, taariikh nololeedkeeda oo kooban, sida xirfadaheeda shaqo, aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda.

WasiiradWaxa kale oo ay Miri Regev, bogeeda ku sheegtay da’deeda, in ay tahay xubin ka tirsan xisbiga talada dalka Israel haya ee Lekud iyo in ay tahay wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha ee dalkeeda, waxaanay ka warantay sababta ay guur la’aantu ugu dhacday ee ay kaga habsaantay.

Miri ayaa codsigeeda ku tidhi, waxaan ahay haweenay aqoon yahanad ah, oo wasiir ka ah wasaarada dhaqanka iyo ciyaaraha ee Israel, waxaanan xubin ka ahay xisbiga Likuud ee talada haya, waxaan ahay afar iyo sodon jir, gashaanti caqli wanaagsan ah.

SomlegalAds

12243383_898051760291640_1706392243425299866_nWaxaan ahaa markii hore dadka neceb in loo malxiiso oo la is baro qof aanay iyadu soo xulan, laakiin imika waxba kama qabo haddii nin wanaagsan la iiga malxiiso oo si dhex ahaan ah, lanoogu kala sheekeeyo ka dibna la isugu kayo soo dhaweeyo.

Wasiiradani wax shardi ah kumay xidhin, ninka ay doonayso, waxaanay kaliya codsatay nin ay guursato oo sida ka muuqata qoraalkeeda ay aad u danaynayso inuu isagu la soo xidhiidho oo ay is afgartaan, haddii laga tagi waayana looga malxiiso oo ay ku qanacdo.

Haweenaydan wasiirada ah ayaa sheegtay in aanu codsigeedani waxba u dhimaynin shaqadeeda iyo xilkeeda wasiirnimo, waxaanay xustay in codsiga iyo rabitaankeeda shakhsiyadeed u furan yahay, meel ka dhac iyo xad gudub sharcina aanay ahayn.

Wasiirad222Sida warbaahintu sheegtay wasiiradan ayaa codsigeeda ay ku baahisay Facebook-ga ay hadheeyeen qoraalo tiro badan, oo ay aragtidooda kaga bixiyeen dadka xidhiidhka kala leh facebook, kuwaas oo aragti ka duwan codsigeeda ka bixiyay, iskuna dhaafsaday figrado kala duwan oo qaarna ku durayaan, kuwo kalana ugu garaabayaan, laakiin sida muuqata waxa ay marin habaabiyeen ujeedadii ay qoraalka codsiga ah u dhigatay Facebook.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.