WorldRemitAds

Brussels, Belgium, March 23, 2012 (Saxafi) – Wasiirada Difaaca ee Midowga Yurub ayaa shalay go’aamiyey in Muddada loo kordhiyo hawl-galka loogu yeedho Atalanta, taas oo ujeedada Mustaqbalka dhow laga leeyahay ay tahay in weeraro lagu qaado xeebaha Somalia.

Midowga Yurub ayaa doonaya in la sii wado dagaalka lagula jiro budhcad baddeeda Geeska Afrika ee dhinaca dhulka lagu weerarayo, iyadoo duqayn cirka ah loo geysanayo Maraakiibta iyo goobaha rasaasta ay ku keydsadaan ee xeebaha ku yaal.

Wasiirada Difaaca ee dalalka Midowga Yurub, ayaa isku raacay khamiistii shalay kulan ay ku yeesheenBrusselswaxay ku heshiiyeen qodobada heshiis hordhac ah. Hase yeeshee go’aankan ayaa rasmi noqon doona marka ay wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Midowga Yurub kulan ay maanta oo Jimce ah yeelanayaan ku ansixiyaan go’aankan.

SomlegalAds

“Waxaanu doonaynaa inaanu cusboonaysiino hawl-galka la-dagaalanka budhcad baddeeda ee Atalanta, si loo wiiqo meelaha ay awoodda ka leeyihiin budhcad baddeedu” sidaas waxa yidhi Xoghayaha Difaaca ee Baarlamaaniga ah ee la yidhaahdo Christian Schmid. Dawladda Jarmalka ayaa ka fogaanaysa dagaal dhinaca dhulka ah oo la qaado, sidaas darteed waxaa heshiiskan laga reebay ciidamo efentari ah oo dhulka ka dagaalama.

Inkastoo aan si cad weli loo qeexin nooca weerarada dhulka ah ee lagu qaadayo budhcad baddeeda Soomaalidu noqonayo, haddana waxa uu Schmidt xusay in tallaabooyinka dagaalka dhulka ah ee la qaadayaa noqonayaan kuwo xadidan, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xidhiidhka budhcad baddeedu leedahay.

Waajibaadkan cusub ee loo xilsaarayo Hawl-galka Atalanta ayaa waxa lagu kordhin doonaa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka la yidhaahdo.

Hawl-galka Atalanta ayaa markiisii hore ahaa badbaadinta deeqaha bina aadamnio ee Barnaamijka Cuntada Adduunka  (WFP) iyo Maraakiibta shicibka ah, iyadoo ay sidaas tahay haddana tirada weerarada ay budhcad baddeeda Soomaalida ahi ka fuliso xeebaha badweynta Hindiya iyo Badda Carabta ayaa kor u sii kacay, waxaanay sannadkii hore weerarada budhcad badeedu gaadheen 230 weerar.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.