WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 2, 2014 (Saxafi)-Wasiiradda xukuumadda oo ku hadlayey guddida fulinta ee ee xisbiga KULMIYE, ayaa xuukumadda ka difaacay eeddo xisbiyadda mucaaradku baryahan dambe usoo jeediyeen.

Wasiiradan shirka jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda wershadaha ayaa sheegay inay xukuumadan madaxweyne Siilaanyo hogaaminayo wax badan ka qabatay dalka, isla markaana horumar balaadhan ku soo kordhisay dalka, kuwaas oo tilmaamay miisaaniyadda korodhay, ardayda lacagta laga dhaafay iyo wadooyinka dalka laga hirgaley.

Wasiiradda halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur (Timecadde), Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xusseen Axmed Caydiid, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cali Xaamud Jibriil, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Komishanka Aids-ka, Cabdikariin Xinif, Xildhibaan Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Guddoomiye Ku-xigeenka 3 aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Talyanle  iyo Xildhibaan Balaaki ayaa hadaladda ay ku geneen xisbiyadda mucaaradka ah ku sheegay qaar aanay waxba ka jirin.

SomlegalAds

Wasiirka Warshadaha Abiib Timacad oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “Xaalada dalka somaliland meel wanaagsan ayay maraysaa Runtii Inta uu xilka hayay madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Xukuumadii ka horaysayna waad ogaydeen waxa ay dalka ka fulaysay waxaana ay isku yihiin Cir Iyo dhul,Markii Xisbiga Kulmiye u tartamayay Madaxtinimada dalka balan ayuu ka qaaday dhamaana wuu fuliyay, Waxaana ka mid ah Darajada ciidamada, Waxbarashada dugsiyada hoose, Wadooyinka iyo wax badan oon halkan lagu soo koobi Karin,indhaha caafimaadka qabaana way arkayaan kuwa kalena Runtii Ma arkayaan.”

Wasiir Abiib Timacad waxa uu ka hadlay Reer Gabiley oo dhawaan gubay Calanka Xisbiga Kulmiye si ay u muujiyaan siday uga soo horjeedaan,waxaanu sheegay inaanay arintaasi ka turjumayn Shacabka Gabiley “Calankan ay gubeen Reer Gabiley ee ay kabahana ku masaxdeen lugo ayay ahayeen ,Afar inan ayaa la leexiyay oo arinkan Foosha xun loo dhiibay,Arinkaasina wax sax ah maaha waxa uu ahaa wax foojari ah oo la sameeyey.Dhalinyarada gobolku caaqilada iyo dadka waawayniba waxa ay taageersan yihiin waa kulmiye”

Wasiirka Caddaaladda, wasiirka Xanaanada Xoolaha, iyo Xildhibaano ka hadlay Shirkaasi Jaraa’id ayaa ku dooday in Madaxweyne Siillaanyo rabo inuu taariikh wanaagsan iska reebo, islamarkaana uu wax badan ka qabtay arimaha Bulshada uu u balan qaaday. Waxay Been ku tilmaameen dhaliilaha Mucaaradku u jeediyo xukumadda.

Guddoomiye Ku-xigeenka 3 aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxman Talyanle waxaana uu yidhi “Madaxwayne Siilaanyo waxa uu cuno muu waayin ee waxa uu doonayaa inuu iska reebo taariikh aad u wayn,taas oo uu shacabka la hor yimid wax qabad dhab ah, Wax qabadka Kulmiye qabtay ayaanu ku cel-celinaynaa kuwa aan arkayn ayaanu sankooda ku xoqoynaa si indhahoodu u arkaan, cadceedaas miyaa sacab la saari karaa Waxqabadka Kulmiyena waa sidaas”.

Si kastaba ha ahaatee Wasiirada iyo wasiir ku xigeenadan ka tirsan gudida Gulinta ee xisbiga Kulmiye ayaa hadalkoodu kusoo beegmayaa xili wariyeyaal la xidhay sheegeen in la gubay calankii xisbiga kulmiye.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.