WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 29, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shalay muddo dheer ka dib booqday xaruntii xisbigiisa Kulmiye, isla markaana qaatay kaadhkii shirweynaha golaha dhexe lagu galayey oo maalmihii u dambeeyey ka socday xarunta xisbigaasi ee magaaladda Hargeysa.

Muqaalkii shalay ee Siillaanyo xarunta KULMIYEMadaxweynaha oo ay garab socdaan xubnihii wasiiradda cusub ahaa qaarkood ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye lagu dhex tartamayo, isla markaana u mahad naqay wasiiradii iska casilay xukuumadiisa iyo kuwa joogaba.

Guddoomiyaha guddida sameynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha golaha dhexe, isla markaana ah guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed oo Madaxweynaha ku soo dhoweeyey xarunta xisbiga ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “Madaxweyne kursi’gaagii hore ayaan kugu soo dhawaynayaa, maahmaah ayaa ahayd xoorkii xagaagii laga dhamiyo xusuusbaa geela lagu xergeeyaa, adiga xusuus wanaagsanbay kuu tahay xubnahaaga iyo taageerayaashada xisbiga Kulmiye iyo dadka xisbiga ka tirsan ee halkan mudada dheer aad wada fadhideena xusuus gaarabay u tahay, waan kugu soo dhaweynaynaa aad iyo aad baad u mahadsantahay maantana inaad halkan noogu timid, xarunta waxaa ka socda barnaamijkii lagu sawirayay ama lagu diyaarinayey xubnaha golaha dhexe warqadoodii aqoonsiga, aad iyo aad waxaad ugu mahadsantahay in aan adigoo xafiiskaaga aan laguugu iman, aad noo timaado adigoo socda, sidii xubnaha kale inaad kaadhkaaga soo doonato, kuna soo dhawoow hoolkii, kaadhka laga qaadanaayey waa kane, waana lagu xaadirinayaa sidii xubnaha kale loo xaadiriyey Madaxweyne. ”

SomlegalAds

Guddoomyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isna ku soo dhoweeyey Madaxweynaha booqashadda uu xarunta xisbiga ku yimid iyo qaadashadda kaadhka xubinimadda golaha dhexe. “Maanta waxaa farxad weyn inoo ah, Madaxweynaha Somaliland oo ah xubinta koowaad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye inuu maanta ka qaadanayo kaadhkii golaha dhexe ee shirka lagu galaayey xafiiskii xisbiga”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Waxaanu intaas ku daray “Maalmahan waxaa socday buuq idaacadaha iyo warbaahinta ay wadeen, xubno wasiiro ah oo iscasilay iyo dad kale oo raacayba ay ku anda-coonayeen in Madaxweynuhu cid taageeray waliba aniga, halkan isagoo nadaxweynuhu ila jooga waxan ka cadaynayaa Madaxweynuhu faq iyo fagaaraba aanu aniga wax eexashaa iyo garabtaabada iyo wax aan dadka kaga duwanahay oo iigaara in aanay midna jirin, waana kaa aanu Madaxweynaha wada joogno, waxaa kale oo aan u sheegayaa in xisbigu yahay mid dimuquraadiya. Xeerkiisa lagu dhaqmaayo, doorashada loo siman yahay, nin walba oo xisbiga golaha dhexe ahna uu tartami karo, hadii aanu nahay xisbigana Madaxweyne waxaad naga kormeeraysaa maanta oo aad naga hubinaysa howsha socotaa inay tahay ‘transparent’ si siman dadka loogu siman yahay oon qofna xuquuqdiisa loogu diidin, taasaanu maanta diyaar ugu nahay inaad nagu kormeerto oo aad adigu indhahaaga ku hubiso, gudidii farsamada ee arrintaa wadayna Maxamed baa gudoomiye u ah, sida ay wax u wadaan baad imikana arki doontaa, waxaan saaxiibaday ugu baaqayaa inay nala eegaan, wax kasta oo ay tabanayaana Madaxweyne diyaarbaanu u nahay inaanu kala fadhiisano. ”

Ugu dambeynta Madaxweyne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xisbigu yahay mid dimuqraadi ah, isla markaana khayr u rajeeyey wasiiradii is casilay.

 “Farxad waynbay ii tahay maanta inaan xaruntii xisbiga kulmiye imaado, xisbigii qaranka weeyi, xisbigii dawlada weeyi, xisbigu waa xisbi dimuqraadiya dhexdiisana waa lagu tartamayaa, wasiiradii iscasilay iyo kuwa joogaba waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, kuwa naga tagayna waxaan leeyahay illaahay meel khayrle ha idin mariyo, annagu hadaanu nahay xisbiga kulmiye iyo dawlada waxanu nahay dhexdhexaad waxaanu nahay dawladii qarankani doortay ee shacabka iyo ummaddu doorteenbaanu nahay, xisbi ummaddu u soo jeedo weeyi, maantana farxad weynbay ii tahay inaan halkan imaado kana qaato kaadhkii golaha dhexe”ayuu yidhi Madaxweyne Silaanyo.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “waxaan rajaynayaa in xisbigani kii guulaysto noqdo, kii ummadda hogaamiyo noqdo, aad iyo aadbaad u mahadsantihiin, ”

Intaas ka dib Madaxweynuhu wuxu iska diiwaangeliyey xafiiska kaadhadhka aqoonsiga golaha dhexe laga qaadanayo, waxaana isla goobtii laga qaaday sawir kur ah oo kaadhka aqoonsiga lagu dhajinayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.