WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 11, 2018, (Saxafi) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ayaa shalay xafiiskiisa Shir kula qaatay hay’adaha kala duwan ee DANIDA, DDG, DRC, SAFER WORLD, UNSOM Iyo EUCAP.

Hay’addahan uu la kulmay Wasiirka arimaha gudaha Somaliland ayaa ah kuwa wasaarada arrimaha gudaha kala shaqeeya dhinaca nabad galayadda.

SomlegalAds

Sida warku sheegay, Intii uu kulankaasi socday waxa diirada lagu saaray sidii ay hay’addahani mashaariicda ay dalka ka fuliyaan ay ugu ururi lahaayeen goboladda Bariga ee Sool iyo Sanaag.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaay is af garad, waxaana sidoo kale lagu go’aamiyay in dadkii ku baro kacay abaarihii dalka soo maray iyagana xoolo loo sameeyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.