WorldRemitAds
Burco, Somaliland, December, 10, 2015, (Saxafi) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo ka hadlayay munaasibad Burco loogu qabtay cusbitaalka weyn ee magaaladaas ayaa sheegay in bulshada reer Burco ka cabato adeegga dhakhtarka weyn, taasi oo uu sababteeda ku sheegay in hay’adda MSF oo gacanta ku hayn jirtay ka tagtay.

Wuxuu sheegay in hay’addu dhakhtarka ku bixin jirtay bishii 250, 000 dollar, taasina tahay sababta reer Burco u cabanayaan maadaama ay barteen dhakhtar lacagta xadigaasi leeg ku baxdo oo aanay xukumadduna awoodayn. “Burco waxay U Baratay Oo Cabashada Keenaya Hay’ad MSF La Yidhaahdo Oo Cisbitaalka 250, 000 Dollar Bishii Ku Bixin Jirtay.
CusbitaalkaLaakiin, sidaas oo ay tahay dawaladeenu iyadoon awood buuran lahayn oo aan la aqoonsan haddana waa dedaalaysaa oo hadda oo ugu danbeysay 120, 000 oo dollar ayaanu gelinay dhakhaatiir badana waanu u keenay”, Sidaas ayuu yidhi Wasiir Xaglotoosiye.
Wasiirku waxaa uu ku dooday in sanadkan miisaaniyadda, gaar ahaan sanduuqa taakullada caalamka qorshaha ay ku jiraan cusbitaalada Burco iyo Boorama, halka sanadkii hore ay ka ahaayeen Ceerigaabo iyo Laascaanood, waxaa kale oo uu sheegay in cisbitaalka Burco ay joogaan dhakhaatiir xoog lihi.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.