WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh, Weriyaha Saxafi ee Gobolka Awdal

Wasiirka cusub ee maaliyadda Somaliland Sh. Cabdicasiis Maxamed Samaale  ayaa doraad si rasmi ah u fadhiistay kursigii ugu sareeyey wasaaraddaasi ee dhawaanta madaxweyne Siilaanyo u magacaabay, iyadoo uu meesha ka baxay ninka badi dadweynahaSomalilandaaminsanyihiin inuu ahaa masuulkii ugu daacadsanaa ee abid soo mara wasaaraddaasi, Maxamed Xaashi Cilmi.  Wasaaradda maaliyadda, ahna wasaarad shilis oo inta badan loo magacaabo masuulyiinta dawlad kastoo dhalataa ka leedahay lexejeclada, isla markaana abaalmarin looga dhigo hawlo badan oo dhinaca siyaasadda loo arko inuu miisaan badan ku leeyahay.

SomlegalAds

Magacaabista Sh.Cabdicasiis Samaale loo magacaabay xilkaasi ayaa dad badan oo reer Somaliland ah, gaar ahaanna kuwa ku nool caasimaddu qaar ka mid ahi ku farxeen,  halka kuwa kalena ka naxeen magacaabistiisa, iyagoo kuwa ku farxay magacaabista Sh.Cabdicasiis ee xilkaasi  kana tirsan masuulyiinta dawladdu u qaateen in madaxweyne Siilaanyo ka hor qaaday masuul cunaha ka qabtay  dhaqaalihii dalka oo sababay inay dhaqaaqi waayeen hawlo badan oo u qabsoomi lahaa wasaaradaha ama hay’adaha dawladda ee masuulka ay ka yihiin, kuwa kale ayaa xil ka qaadista Ina Xaashi  ka soo saartay neef qabow, iyagoo aaminsan in hadda kaddib wixii  kaga xidhma wasaarada lacagta  ay marsiin karayaan wasiirka cusub, iyadoo dhinaca kalena dad badani  magacaabista Sheekha ugu farxeen iyagoo aaminsan inay haatan beel ahaan iyo maamul ahaanba jeebadaha lacag ka buuxsan doonaan, kana heli doonaan wixii Maxamed Xaashi ay ka waayeen, hadday tahay xaraash, qandaraas,iyo  cashuur dhaafba.

Haddaba, markaad eegto magacaabista mansabkaasi loo magacaabay guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland, isla markaana  aad eegto masuulyiinta golaha wasiirada xukuumadda Siilaanyo ayaa  waxa jira dad badan oo reer Somaliland ah ama reer Hargeysa ah oo aaminsan inaan mansabka Sheekha  loo magacaabay ahayn mid u dhigma mansabkii hore ee uu golaha Wakiillada ka hayey .Sidoo kale ayaa dadka ka naxay magacaabista mansabkaasi loo magacaabay Cabdicasiis Samaale iyagoo sabab  uga dhigaya in Guddoomiyekuxigeenka koowaad ahaa nin qunyar socod ah oo dadka reer Somaliland gudo iyo debedba laga jecelyahay, aadna loogu ixtiraamo, taasoo u soo jiidday in cid kastoo ka tirsan qaybaha kala duwan ee dadweynaha dalku u joogsadaan, mucaarad, muxaafid, wadaad, waranle, siyaasi iyo shicibba, sidaa darteedna magacaabista xilkani wax badan ka ridayo. dhinaca kale waxa xukuumadda Siilaanyo lagu bartay inay cid kastoo ka nadiif ah godob  siyaasadeed, iyo musumaasuq  iyo dembiyo kaleba  aakhirataanka marka  arimo badan la isku qabto madaxda sare ee xukuumadda sida madaxweynaha, kuxigeenkiisa, beelo, salaadiin iyo siyaasiyiinba, aakhirataanka  masuualkaasi loo raadiyo eedo lagaga eryo xilka loo magacaabay, taasina  ay keeni karto in guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka had aan fogeyn laga tiriyo xilka, gar iyo gardarro midkay doontaba ha ahaatee .

Inkastoo wasiirka cusub ee maaliyaddu yahay  mid ka mid ah tiirarkii xisbiga Kulmiye keenay kursiga dalkan ugu sarreeya, isla markaana ilaa maanta wasiirkaasi yahay ragga weli xisbiga, baarlamaanka iyo xukuuaamadda sareba qaddarinta u hayaan, hase yeeshee dhinaca kale ayaa waxay magacaabistiisu kusoo beegantay wakhti xukuumadda Siilaanyo marayso meel ka hooseysa halkii laga filayey, hadday tahay dhinaca siyaasadda, qarannimada, dhaqaalaha, amniga iyo xidhiidhka dadweynaha, sidaa darteedna magacaabista wasiirka maaliyaddu waajihi doonto mashaakil aan ka haysan golaha laga soo saaray ama isaguba doorbiday inuu ka soo baxo. waxay cid kastaa maanta ka dheregsantahay  khilaafyada wejiyada kala duwan ee la xidhiidha wershedda Sibidhka Berbera, beelaha ka soo horjeeda xukuumadda iyo kuwa taabacsan, arrimaha siyaasadeed ee Sool iyo Taleex, dabaylaha siyaasadeed ee khatarta ku haya qarannimada iyo gooni isutaagga Somaaliland, musuqa loo xidhxidhanyahay, tabashooyinka beelaha darifyada iyo guuxa kale. Kuwaasoo  dhammaanatood xidhiidh la leh arrimaha dhaqaalaha iyo khasnadda dawladda, ayaan shaki ku jirin inay wasiirka cusub  isla wareeri doonaan. Maanta oo wasiirka maaliyadda ee cusub looga tegey khasnad  dhaqaalaha dalka wax kaga jiraan, kana nadiif ah deyn iyo arrimo kale ayaa  cid kastaa ogtahay sida lagu keenay sifaha xilka Maxamed Xaashi ku tiriyey ,isagoo jihaad la soo galay cid kastoo u soo hanqal taageysay inay shaadh madaxweyne dhaqaale ku urusato, mashruuc been ah loo samaysto dakhliga umadda, isla markaana si adag loola xisaabtamayey tobannaanka agaasime ee wasaaradda maaliyaddu u xilsaartay  dakhli ururinta .dhibaatada ugu horreysay ee maalmo, bilo, ama sannado ku qaadan doonta wasiirka cusub ayaa noqon doonta kala barashada masuulyiinta laamaha kala duwan ee wasaaraddaasi leedahay, kuwaasoo qaarkood u barteen dakhli aan xad lahayn iyo xisaab dhab ah, daacadnimadooda iyo musuqooda.

Si kastaba ha ahaatee, Sh.Cabdicasiis oo muddo dheer  soo ahaa hogaamiye siyaasadeed iyo mid diineedba ayaa laga yaabaa in wasaaraddani illawsiiso  salaadii iyo alla ka cabsigii qaar ka mid ah xukuumadihii dalka soo maray  xitaa ku  eedeeyeen inuu ku sifoobay xagjirnimada diinta, isla markaana xilka wasaaraddani ka kaxeeyo saaxiibbo badan, culimo’awdiin badan, siyaasiyiin badan, dadweyne farabadan iyo masuulyiin farabadan  oo qaarkood laga yaabo inay ka naxaan ama ku farxaan imaatinka Sheekh Cabdicasiis ee wasaaradda maaliyadda,  waxanse la kala garanayn in  magacaabista Sheekhu tahay mid  Siilaanyo kaga takhaalusayo joogitaankiisa golaha sharci dejinta iyo inay tahay mid ay Sheekha ugu nasteexaynayso, waana goor hore in la sheegsheego  waxa sugaya wasiirka maaliyadda iyo waxa uu kaga tegey golaha wakiillada  kaasoo durba joogitaankiisa iyo maqnaanshiihiisaba laga tebey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.