WorldRemitAds

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Jarmalka Horst Seehofer, ayaa si badheedh ah u cadaystay nacaybka uu Muslimiinta iyo diinta Islaamka u qabo, ka dib markii uu shirkiisi ugu horeeyay ee uu warbaahinta u qabto kaga dhawaaqay inaan Islaamku meel ku lahayn dalka Jarmalka.

Horst Seehofer oo ka mid ah hogaamiyayaasha ku midoobay dawlada xisbiyada kala duwan ka kooban ee dalka Jarmalka, ayaa ku dooday in Islaamku aanu ka mid ahayn ama ku jirin qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan dalka Jarmalku ka kooban tahay.

Hadalka ka soo yeedhay hogaamiyaha xibsiga Bavarian-ka loo yaqaano ee dalka Jarmalka ee isbahaysiga la ah xisbiga (CSU), wuxuu gabi ahaanba ka soo horjeeday khudbadii taariikhiga ahayd ee haweenayda raysal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkel ay u jeedisay shacabka dalka Jarmalka markii ay dhawaan soo dhistay dawlada wadaaga ah.

SomlegalAds

Taas oo ay ku sheegtay in umada ku dhaqan dalka Jarmalku ay ka kooban tahay, Diimo iyo sinjiyado kala duwan, sidaa daraadeedna ay xuquuq siman wada leeyihiin, Kiristaanka, Muslimiinta, Yuhuuda iyo dadyowga kale ee diimaha ama caqiidooyinka kale aaminsan.

Ninkan wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jarmalka ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyay, wargeyska ugu wayn dalkaas ee “Bild” waxaanu isagoo ka hadlaya uu yidhi, “Dalka Jarmalku waa waddan Kiristaan ah, waana hab iyo caqiido uu muddo dheer ku soo dhaqmayay, sidaa awgeed Islaamku meel kuma laha oo ma noqon karaan dad Jarmal ah, waana lagama maarmaan inaan laga guurin dhaqankaa Masiixinimada ee soo jireen ahaa.” Ayuu yidhi.

Raysal wasaaraha Jarmalka Angela Merkel ayaa si adag u difaacday Muslimiinta dalka Jarmalka, ka dib markii uu madaxweynihii hore ee Jarmalku weerar qaawan ku qaaday, Sanadkii 2015-kii oo ahaa wakhtigii soo galaytigii ugu badnaa ee Muslimiin ahi ay qaxootinimo ku galaan waddankaas.

Angela Merkel ayaa wakhtigaas sheegtay in Muslimiintu qayb ka yihiin shacabka ku dhaqan dalka Jarmalka ee midabada iyo diimaha kala duwan kala aaminsan, waxaanu hadalkeedaasi noqday mid ay ku aamusiisay mucaaridadii ugu balaadhnayd ee kooxaha Islaam Nacaybku abaabuleen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.