WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 18, 2016 (Saxafi) – Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Cumar Shucayb Maxamed iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Masar ayaa booqday Mandaqadda Wershadeyn, halkaas oo uu si gaar ah u booqday wershadaha lagu sameeyo dawooyinka, Cuntada, Laydhka iyo goobo kale oo taariikhi ah.

Wargeyska Dawladda ee “Gamhuuriya”” qaybtiisa Online-ka ayaa lagu daabacay warbixin dheer oo ka waramaysa booqashada weftiga wasiirka Ganacsiga Somaliland ku tegay goobta Wershadeynta ee ay ku yaallaan warshadaha dalkaas wax u soo saara, waxaanay booqashada weftiga Somaliland ku joogo Masar ku tilmaameen mid la xidhiidha xoojinta iskaashiga dhinacyada maalgashiga iyo ganacsiga ee labada dal ee Masar iyo Somaliland.

Masuuliyiinta ugu sareysa dawladda Masar sida Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Warshadaha iyo Agaasimayaashooda guud oo weftiga Somaliland si heer sare ugu qaabilay dalka Masar ayaa u suurta galiyay Wasiirka iyo Weftigiisu inay booqdaan goobo aanay booqanin cid aan ahayn Madaxweyne ama Wasiir.

SomlegalAds

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Dr. Cumar Shucayb Mohamed ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar la raaciyay ilaalooyin khaas ah si heer maamuus sareysa ah u daba socday.

Guddomiyaha iskaashatooyinka Shirkadaha Maalgashi ee magaalada Bedran Mr. Caadili ayaa sheegay inay fursad wayn u ahayd inay qaabileen Waftiga uu hogaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL , isaga oo sheegay in booqashada Wasiirku kaqayb qaadan doonto xoojinta iskaashiga labada dal ee ku saabsan dhinacyada Ganacsiga iyo Warshadaha.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay diyaarinayaan wefti balaadhan oo ka socda Shirkadaha Maalgashi ee Masar inay booqdaan Waddanka Somaliland si ay u soo indha indheeyaan fursadaha Maalgashi ee ka jira JSL.

Masuuliyiin kale oo ka socda iskaashatooyinka Shirkadaha Maalgashi ayaa dhankooda muujiyay xiisaha ay u qabaan inay la sameeyaan iskaashi Somaliland, waxayna ballan qaadeen inay ka hir galin doonaan dalka Somaliland Mashaariico badan oo waxsoosaar.

Waxay sidoo kale ballan qaadeen inay u sameyn doonaan tababaro shaqaalaha dawladda JSL, iyaga oo sheegay inay ku tababari doonaan sida loo ilaaliyo tayada dawooyinka, badeecadaha kale ee dalka soo galaya iyo noocyada kale ee tababar ee ay u baahan yihiin shaqaalaha Dawladda Somaliland.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Mudane, Dr. Cumar Shucayb Mohamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Dawladda Masar sida meeqaamka sare ah ee ay u soo dhaweeyeen. Waxa uuna ka hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga labada dhinac ee lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo Ganacsigaba.

Waxa uu sidoo kale Wasiirku soo dhaweeyay iskaaashi ganacsi oo dhex mara labada dhinac.

Waxa la filayaa maalmahan innagu soo socda inuu Wasiirku la yeesho shir balaadhan Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka Masar, iyaga oo wada saxeexan doona heshiis is afgarad oo dhexmara labada dawladood.

Halkan ka akhri Warbixinta Afka Carabiga ee Wargeyska Gomhuria Online

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.