WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 26, 2017 (Saxafi) – Illaa shalay waxa baraha bulshaddu ku wada xidhiidho lagu hadal hayey dhacdo shirkadda Fly Dubai ka dhex dhacday oo haweenay ilmo yar wadata oo diyaaraddii ay raacaysay laga rogay iyo wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan oo rakaabka diyaaradda ka mid ahaa oo la dareen noqday haweenaydaasi oo isna ka hadhay diyaaraddii si uu mooralka haweynaydaasi u dhiso.

Dhacdadana ayaa waxay ka dhacday madaarka Hargeysa wakhti loo balansanaa in la raaco diyaaradda  Fly Dubai. Waxaana warku tilmaamay in markii diyaaraddi la fuulay ay isku dhaceen haweenaydaasi iyo shaqaalaha diyaaradda ka dibna kabtankii diyaaradda iyo maamulkii kale go’aansaday inuu haweynaydaasi safarka ka reebo, hase yeeshee wasiirka hawlaha Guud Cali Mareexaan ayaa isna la soo hadhay ka dib markii sida uu sheegay uu isku dayey inuu dhex dhexaadiyo, balse ay qoladii diyaaraddu ay ku adkaysteen arrintaasi, waxaanu wasiirku go’aansaday inuu u wehel yeello haweynaydaasi dhibanaha ku ah wadankeeda ee madaarkeedda loogu tacadiyey.

Dhacdadan ayaa noqotay mid dood ku dhex abuurtay dadweynaha dhexdoodda, iyadoo badankoodu taageeray wasiirka Hawlaha guud iyo go’aanka geesnimadda leh ee uu qaatay, waxaanay dhacdadani u dhacday sida Wasiirku qoray sidan. “Gabadhani waa Somalilander waxay sidataa ilmo yar, waxay u socotay UK, waxay Airport Hargaysa timi 4.30 am si ay  uraacdo Flydubai, anigu waxaan Airport imi 6.40am si aan u raaco Flydubai.

SomlegalAds

Hase yeeshee, gabadhii iyo ilmaheediiba waxaa diyaaradi lagaga soo rogay khasab. Diyaaraada waxaa la fuulay 7.40am gabadha iyo ilmeheedii waxay fadhisteen kursigii loogu talo galay hase ahaatee islaan waayeel ah oo aan kici karayn ayey isu bedeleen kursigii. Wax yar ka dib inan cadaan ah oo shaqaalaha diyaada ka mid ah ayaa u timi gabadhii, waxay u sheegtay in ay kursigeedii ku fadhiisato, waxay ku tidhi ka daaqada ma fadhiisan karro, waayo ilmo yar ayaan haystaa waxaa laga yaaba in aan kackaco oo aan musqusha u baahdo.

Gabadhii shaqaalaha ahayd way ku adkaysatay. Nin kale oo rakaabkii diyaarada ah ayaa yidhi kayga ha fadhiisato. Gabadhii shaqaalaha diyarada ahayd way cadhootay waxay u tagtay captain_ kii diyaarada waxay go’aan ku gaadheen in gabadha iyo ilmaha yarba diyaarada laga dejiyo. Waxaa diyaradii soo fuulay shaqaale Soomali ah oo u shaqaynayey Flydubai. Waxay gabadhi u sheegeen in ay ka degto diyaarada waxay tidhi maxaan sameeaey waxaa lagu yidhi waxaad cayday inan shaqaalaha diyaarada ka mid ah, waxay tidhi cidna maan caayin Laakiin lama dhegaysan.

In yar ka dib ayaan soo dhex-galay inamadii Soomaaliga ahaa waxay ii sheegeen in aan wax wayni jirin laakiin Captainku amar bixiyey, waxaanay iga codsadeen bal in aan kabtanka la hadlo. Kabtankii ayaan ugu tegey qolka diyaarrada laga wado waan isu sheegay wuu soo yara kacay wuu isa soo taagay waxaan ka codsaday in aan gabadha iyo ilmaha yar la dejin wuxu ii sheegay in ay go’aan ku gaadheen in aanay raacin gabadhaasi, diyaaradii waxay habsaantay saacad iyo toban daqiiqo.

Markii uu aniga iyo maanaygerka Airprortka naga diiday waxaa telefon kula soo hadlay wasiirka duulista hase yeeshee, insa waa la diiday. Markaa waxaan anigu go’aan ku gaadhay in aniguna aan ka dego diyaarada.

In kasta oo ay isku dayeen in ay igu qanciyaan in aan raaco diyaarada, haddana waxaan soo raacay gabadhii ilmaha yar sidatay. Sidaas ayaa aniga iyo gabadhiiba aanu kaga hadhnay diyaaradii. Waxaa ila soo hadlay markiiba regional diractorka Flydubai wuxuu ii soo garaacay inuu I raali galiyo, laakiin waxaan u sheegay inuu raaligelin siiyo miskiintaa la dulmay shaqaaloodana waxay sameeyeen ay ahayd masuuliyad daro. waxaanu iminka raacaynaa Daalo ama Juba.

Hadaad arki jirteen Airhostess jajaban oo rakaabka soo dhaweeya oo dhoola cadaynaya oo caruurta iyo waayeelka caawinaya iminka waxa soo baxay kuwa laad kaga soo rogaya diyaarada.”

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaana uu difaacay Diyaaradda iyo kabtanka oo uu tilmaamay inay sharci u leeyihiin inay ka tagaan cida ay u arkaan inay khal-khal gelinayso amaanka diyaaradda. Waxaana uu intaas raaciyay in aanay garanayn sabab raacisay wasiirka hawlaha guud oo uu sheegay inuu u hadlayay sida rakaabka oo uu isagu ka masuul yihiin diyaaradaha iyo madaaraddaba.

Tan ka sokow, labada Wasiir Flydubai ayaa iyana qoraal ka soo saartay dhacdadan. Waxaana ay qoraalkooda ku yidhaahdeen sidan, “Waxaanu la soconaa maanta (Shalay) xaalada ka abuurantay gudaha duulimaadka flydubai (www.flydubai.com) ee FZ660, 25 August ee Hargeisa ilaa Dubai ahaa.

Gabadh rakaab ahayd ayaa diiday inay fadhiisato kursigii ay siiyeen shaqaalahayaga diyaarada ee tobobarani, taas oo diiday inay raacdo diyaaraada oo ay tagto Dubai oo ay ku socotay kana hadhay.

 Waxaa mudnaanta koowaad aanu siinaa badbaadada rakaabkayaga iyo shaqaalahayaga, waana in shaqaalahayaga iyo rakaabkayagaba si xushmad leh loola dhaqmaa.

Waxaanu ka raali galinaynaa dhamaan rakaabkii saarnaa diyaarada wixii uga yimid dib u dhicii ku yimid duulimaadka.

 Waxaanu wadnaa baadhitaan dhamaan cidii ku lugta lahayd. Duulimaadka lambarkiisu yahay FZ662 oo Hargeysa ilaa DXB ah Waxa uu dib u dhacay isugayn 1 saac iyo 39 daqiiqo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.