WorldRemitAds

“Madaxweynuhu Waxyaabihii  Markii Uu Kulmiye Ahaa Uu Ku Balan Qaaday Waxa Ka Mid Ahaa Biyahaa, Caafimaadka Iyo Wadadaa Wajaale Iyo Kalabaydh oo Lagu yidhi Waa Loo Kala Dhixi jiray”  Wasiir Samsam Cabdi Aadan

Hargeysa, Somaliland August 27, 2017 (Saxafi) – Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka qaybgashay biyo galin loo sameeyey Magaalada Wajaale, waxaanay sheegtay Wasiirku in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay kaga qayb qaadatay biyo Galintaasi lacag gaadhaysa $500,000 dollar, isla markaana biyo galinta Wajaale ay ka mid ahaayeen waxyaabihii Madaxweyne Siilaanyo uu reer Wajaale u balan qaaday Illaahayna uu ku guuleeyey.

Wasiirka Maaliyada, Marwo Samsam Cabdi Aadan oo arimahaasi ka hadlaysaana waxa ay hadalkeeda ku bilawday oo ay tidhi  “Waxa aynu illaahay ugu mahad-naqaynaa biyahaa macaan ee uu halkaa inoogu keenay, sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxyaabihii uu markii uu Kulmiye ahaa uu ku balan qaaday ayay ka mid ahayd biyahaasi oo caafimaadku uu ka mid yahay iyo markii wadadaa la yidhi Wajaale iyo Kalabaydh ayaa loo kala dhaxaan, walee dibnaan loogu kala dhixin ayuu yidhi Illaahayna wuu ku guuleeyey.

SomlegalAds

Odayaashii ii yimid ee ii soo bandhigayna runtii aad baan ugu mahadnaqayaa, waayo oday waa ka ka taliya waxa san iyo waxa danta u ah umadiisa, Odayaal ayaa xafiiska noogu yimid waxay igu yidhaahdeen shan boqol oo kun oo dollar ayaa naga dhiman biyuhu inay Wajaale gaadhaan, shantii boqol miisaaniyada ayaanu ugu darnay Cabdiwaaxidna aad baan ugu mahadnaqayaa, wuu dulqaatay lacagta intii hadhayna waan u sii dayn waayey, oo waxaan idhi markaan arko qasabada Wajaale oo socota ayuun baan sii daynayaa, dee raali ahow, ana Masuuliyad ayaa I saarnayd oo Biyihii oo Wajaale aan Gaadhin hadii lacagtii la dhamaystiro sanado dambe ayay dib ugu dhacaysaa, xumaan aan adiga kaaga jeedayna may ahayn.

Maanta Illaahay ayaynu ugu wada mahadnaqaynaa, Cabdiwaaxidna dedaalkaa uu sameeyey iyo is-xilqaankaa uu biyihii ku keenay meesha iyadoo ay duruufo badani ay jireen aawadeed, mar dhulbaa loo diiday in biyihii ay maraan beerihii, markaasaan soo kexeeyey wasiiradii u dhashay deegaankaasi oon idhi ka qabta ha la baneeyo dhulka’e.

Alxamdulilaah maanta waynagaa haysana biyihii, waxa la inooga baahan yahay sidii aynu u hagaajisan lahayn, maadaama oo biyuhu ay qiimo weyn leeyihiin.” Ayay tidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.