WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 19, 2015(Saxafi) – Wasiirka Qorsheynta Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire ayaa Faahfaahiyay Weerar Lagu Qaaday Guddiga Jaamacada Hargeysa Oo Khasaare Keenay.

Ardayda Jaamacadda Hargeysa Wax ka barata qaarkood ayaa doraad weeraray qol ay ku shirayeen gudida Jaamacada Hargeysa.

Guddidan oo u fadhiyay shir ay kaga hadlayeen jaamacada ayaa waxa mar keliya albaabka uga soo galay arday wax ka barata jaamacada oo cadhaysan.

SomlegalAds

Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo gudidaasi ka mid ah ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta keentay iyo waxyeelada ay ardaydaasi u geysteen gudida jaamacadda Hargeysa waxaana uu yidhi. “Horta Jaamacada Khilaaf Kama dhicin, khilaafna kama dhex taagna, Gudida maamusha, Macalimiinta, Senatekeeda wax khliaaf ah oo runtii dhex yaalaa ma jirto. Waxa aanu wadnay iminka Muddo aan afar bilood ka yarayn, sidii loo tayayn lahaa jaamacada ee looga dhigi lahaa Jaamacad ku shaqaysa nidaam iyo sharci, kulamo hore ayaanu yeelanay meel fiican bay noo maraysay, shalayna (Doraad) waxa uu ahaa shirkii ugu dambeeyay ee aanu arrinkaa kaga hadlaynay, waxaanay ujeedadayadu ahayd sidii la isugu keeni lahaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa iyo sidii looga amba qaadi lahaa” ayuu yidhi. “Halkaas iyada oo noo maraysa ayaa inamo dhalinyaro ah oo aanu arday u malaynayno in ay noo soo galeen kuwaas oo damcay in ay shirka ciladeeyaan oo lagu kala kaco in ay ujeedadoodu ahayd baan u malaynayaa.

Runtiina waxba noomay sheegin, af iyo qoraal midnaba waxay ujeedadoodu ahayd iyo waxba toona, Markii dambena waxa ay bilaabeen in ay nagu tuurtuuraan caagadihii biyaha iyo kuraastii, dadka qaar baa dhaawac soo gaadhay laakiin nasiib wanaag wax dhaawac ah oo culus oo ka yimid may jirin,

Booliska ayaanu u yeedhnay oo dibada u saaray, anaguna halkii ayaanu shirkayagii ka sii wadanay” Ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi “Waa Nasiib darro in arday waliba jaamacadeed ay wax yeeleeyaan ama wax ku tuuraan, feedhaan, dhir baaxaan macalimiintooda oo runtii qaar ay awoowyaashood oo kale laaleeg yihiin” ayuu yidhi.

Sacad Cali Shire Oo La Weydiiyay Sababta uu guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa oo iska casilay xilkaasi uu weli u sii hayo waxa uu yidhi “Jaamacadu Nidaam bay leedahay, waxa casila magacaabana guddida wey jirtay warqad arrinkaas la xidhiidha oo uu mar soo gudbiyay Guddoomiyuhu, waanay jirtay in uu ka aqbalay Madaxweyne ku xigeenku, laakiin ilaa inta cid kale la helayo ayay ahayd in uu joogo isna sidii buu u joogaa”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.