WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February 22, 2018 (Saxafi) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Guri-Barwaaqo ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay waaxaha kala duwan ee ay Wasaaradda Warfaafintu ka kooban tahay.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu Agaasimaha Telefiishanka Qaranka u magacaabay Muuse Faarax Jaambiir, isla markaana ah Suxufi rug-caddaa ah oo Guddoomiye iyo Mulkiilaba ka ahaa Wargeyska Madaxabanaan ee Ogaal. Sidoo kale, Agaasimaha Waaxda Barnaamijyadda waxa loo magacaabay Cabdicasiis Caydiid Cilmi (Yemeni).

Sidoo kale guddoomiyaha iyo Mulkiilaha Wargeyska Madaxa Banaan ee Hubaal, Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) ayaa wasiirka Warfaafintu u magacaabay Agaasimaha Waaxda Wargeysyada “Dawan”, halka ku-xigeenkiisa loo magacaabay Daahir Maxamuud Xadi.

SomlegalAds

Wasiirka ayaa sidoo kale wareegtadiisa ku magacaabay Agaasimaha SOLNA oo uu u magacaabay Cumar Maxamed Faarax, halka ku xigeenkiisa loo magacaabay Muna Maxamuud Cabdi.

Sidoo kale, wareegtadan ayaa lagu magacaabay masuuliyiin farabadan oo iyaguna ka mid ah waaxaha iyo qaybaha kala duwan ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Dhinaca kale, waxa wareegtada wasiirka lagu sheegay in xilkii lagaga qaaday 11 masuul oo ay hore xilal uga kala hayey wasaaraddaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin Khadar Maxamed Cakule, Maareeyihii Telefiishanka Qaranka, Maxamed Xuseen Faarax oo ahaa Maareeye ku-xigeenkii TV Qaranka, Cabdiraxmaan Cali Ubaxle oo ahaa Mareeyihii TV Qaranka ee Yurub, Maxamed Cismaan Mire (Sayid) Guddoomiyihii Wargeysyada Dawan, Cabdillaah Aadan Maxamed Agaasimihii Farsamada, Mawliid Maxamed Shaqale oo Madaxii Shaqaalaha Wasaaradda, Axmed Xuseen Warsame oo ahaa Madaxii Barnaamijyada TV Qaranka, Abiib Iimaan Xasan oo ahaa Madaxii Wararka TV Qaranka, Cali Axmed Cawaale (Caana-dhame) oo ahaa ku-xigeenkii Madaxa Wararka TV Qaranka, Yuusuf Maxamed Ismaaciil, Agaasime ku-xigeenkii Wakaaladda SOLNA iyo Saynab Maxamed Cabdi oo ahayd ku-xigeenkii Madaxa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Halkan hoose ka akhriso Magacaabista iyo Xil ka qaadista Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.