WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 7, 2016 (Saxafi)-Wasiirka waxbarashada soomaaliland Cabdilaahi Ibraahin Habane ayaa shaqadii ka joojiyey agaasimaha guud wasaaradaasi Abiib Axmed Cali.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee keentay in shaqada uu wasiirku ka joojiyo Agaasimihiisa, balse waxay warar xog-ogaal ah oo arrintan u dhuundaloolaa sheegayaan in khilaafku salka ku hayo habsami u socodka shaqada.

Sida warar ka ag dhow wasiirka Waxbarashaddu sheegayaan waxa la sheegay inay agaasimaha isku qabteen hawlihii shaqo ee wasaaradda, isla markaana ay jiraan khilaaf shaqo oo soo kala dhexgalay labadan masuul, taas oo keentay inuu wasiirku shaqadda ka joojiyo agaasimaha.

SomlegalAds

Agaasimaha waxbarasahdda Abiib Axmed oo aan la xidhiidhnay ayaa ka gaabsaday khilaafka isaga iyo wasiirka soo kala dhexgalay ee keenay in shaqada laga joojiyo, isagoo wargeyska Saxafi u sheegay in aanu wakhtigan diyaar u ahayn wax war ah inuu bixiyo.

Sida ilo wareedyada aanu warkan ka helnay sheegayaan in labada masuul dhexdhexaadini ka dhex socoto oo odayaal is-xilqaamay ku dhex jiraan, kuwaas oo isku dayeya inay isku soo dhoweeyaan labadan masuul.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.