WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, October 29, 2015 (Saxafi) – Wasiirkii Ciyaaraha iyo Dhalinyaradda Somaliland Axmed Cabdi Kaahin ayaa shalay ku dhowaaqay inuu xilkii wasaaradaasi iska casilay, isla markaana uu ka mid noqon doono xildhibaanadda golaha Wakiilada.

Kaahin ayaa sheegay in aanu isku aragti ahayn wasiiradii ka horeeyey ee is casilay, balse maalmahan uu doonayey inuu iscasilo maantana ay ku dhalatay inuu is casilo.

S7630014-310x282“Saacaddaas (shalay) laga bilaabi waan iska casilay xilkii aan wasaaraddda u hayey, waxaana galayaa baarlamaanka oo xubintaydii banaanaatay, aad baan uga mahad celinayaa Madaxweynaha mudaddii aan la soo shaqaynayey”ayuu yidhi Kaahin oo ka hadlayey is casiladaasi mar uu Star tv u waramayey.

SomlegalAds

Mar wax laga waydiiyey inay iscasilaadani daba socoto cabasho uu ka tirsanayo wasaaradda Maaliyadda oo isku khilaafeen arrimo lacageed oo lagu qabanayey ciyaaraha socda, waxa uu yidhi “maanta mar haddii aan ka tagay wax cabasho ah muujin maayo, dumarkaa cawdee anigu caban maayo” “Xidhiidh lama lihi ragaasi is casilay (wasiiradii hore) intii aanay iyagu waxba ku dhawaaqin ayaan doonayey inaan ku dhowaaqo ka dib markii shaqaddii socon wayday ayaan go’aansaday inaan ka tago xilkaasi”ayuu kaga jawaabay su’aal ahayd in is casilaadiisu xidhiidh la leedahay wasiiradii ka horeeyey.

Axmed Cabdi Kaahin ayaa muddo sanad ku dhowaad ahaa banaanayd xubintii xildhibaanimo oo uga soo baxday golaha Wakiilada ka dib markii xildhibaankii isaga ka horeeyey uu geeriyooday taas oo ahayd inuu isagu buuxiyo balse uu ka door biday inuu wasiirnimo sii ahaado.

Kaahin ayaa ka mid ahaa musharaxiintii 2005-kii isku soo taagay xildhibaan golaha wakiiladda haseyeeshee aanu ku guulaysan inuu xildhibaan noqdo, waxaanu ku jiray liiska sugayaasha ah ee haddii xisbigiisa xildhibaan ka baxo ama ka dhinto uu buuxin lahaa, taas oo sanad ka hor usoo baxday oo ahyd inuu buuxiyo booskaasi xildhibaanimo ee usoo baxday, waxaana hadda uu si toos ah u gali doonaa booskaasi xildhibaano mar haddii uu iska casilay wasiirnimadii.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.