WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 20, 2016 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa beeniyay warar maalmihii ugu danbeeyay la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu xidhiidh la sameeyay maamuladda Somalia iyo in loo magacaabayo Raysal Wasaaraha dalka Somalia.

Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Somaliland oo qoraal kooban oo arrintan la xidhiidha lagu baahiyay barta uu ku leeyahay shabakadda kullanka bulshada ee Facebook ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi, waxaana qoraalkaas kooban lagu yidhi sidan; “Aniga oo ku hadlaya, magacayga Maxamed B. Yoonis, waxaan si cad u beeninayaa, war been cadaana ah, oo ka baxay TV-ga KALSAN. Warkaas oo sheegaya in Maxamed Biixi Yoonis uu noqonayo Raysal Wasaaraha Somalia.

Warkaasi waa been cadaan ah, oo aan sal iyo raadtoona lahayn. Waa dacaayad rakhiis ah, oo ay faafinayaan cid aan kalsooni isku qabin, oo been rakhiisa miciin biday. Beeni raad male!”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.