WorldRemitAds

“Xuseenow Somaliland waa Bad oo dhinac aad kaga dabaalato waayi maysid.., wasiirka cusubna waanu soo dhoweynaynaa wada shaqayn fiican”Aadan Xaaji Cali

Hargeysa, Somaliland, November 2, 2015 (Saxafi) – Wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Cadare ayaa shalay si rasmiya xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid.

IMG_0656(1).JPGSidoo kale, waxa iyaguna isla goobta xilka kula wareegay wasiirkii ku xigeenka cusub iyo wasiir ku xigeenkii hore.

Munaasibada Balaadhan oo Kulmisay Bahda Cadaalada, wasiiro, xildhibaano, taliyeyaasha ciidamada Asluubta iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay Agaasimaha Cadaalada Somaliland, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Wasiirku inta uu xilka hayay waxa ay wasaaradu ku talaabsatay Horumar aad u wayn,wixii nooqabsoomay wada jir ayay noogu qabsoomeen,wasaarada waanu soo dhisnay,waxaanu gaadhsiinay Meel aanay wasaarada dalku gaadhin,Xuseen waa Shaqsi ku adag Xilka iyo shaqadaba intaan la joogayna waxaan ka faa’iday wax badan oo muhiim ah”.

SomlegalAds

Hay’addaha Lashaqeeya wasaarada ee Dhanka Cadaalada oo iyaguna Madasha Goob-joog ka ahaa Sagootiyayna Wasiir iyo ku xigeenkiisa ayaa cadeeyay in Shaqadu iyo sunaha dawlad-nimo yahay in Wasiirada la Bedelo Si ay shaqadu u wanaagsanaato,iyaga oo Bisayl Shaqana u muujiyay wasiirka Cusub ee xilka la wareegaya.

Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo Xeer ilaahaya qaranka Somaliland oo iyaguna Bahwadaag la ah wasaarada cadaalada oo si isku mid ah madasha uga hadlay ayaa cadeeyay inta uu wasiirku la shaqaynayeen in ay Arkeen inuu yahay wasiir u bisil shaqadiisa, jecelna in cadaalada ay bulshada ku dhaqaan Bahda Cadaaladu.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in wasiirkii hore aanu dalka ka waayeen meel uu kaga dabaasho oo qaranku balaadhan yahay, waxaanu xusay in wasiirkii hore wax badan ka qabtay wasaaradiisa, isagoo arriamhaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“xuseen Axmed Caydiid ee maanta xilka wareejinaya wax badan ayuu wasaaradda ka qabtay, karti iyo dadaal badan ayuu muujiyey, waxa jiray qorshe uu madaxweynuhu wareejinayey oo uu ugu talogalay in cadaaladda wax lagaga qabto oo dib loo hagaajiyo hanaanka cadaaladda Somaliland, isagoo wasiirku taas xaqiijinaya ayuu sameeyey waxqabad , wax fiicana wuu qabtay,maalintii xilka la igu wareejiyey ayuu Xaaji Cabdi Waraabe tallo siiyey gudoomiyihii hore Maxkamadda ee aan xilka kalla wareegayey, wuxuu yidhi qaranku waa sida Badda oo kale meel aad kaga dabaalato waayi maysid, ana intii baan leeyahay oo xuseenow Somaliland waa Baddo dhinac aad kaga dabaalato waayi maysid, wasiirka cusubna waan soo dhoweynaa wada shaqayn fiican waanu leenahay wasaarada Cadaalada wada shaqayn fiican ayaanu nahay, hay’adaha cadaalada iyo hay’adaha amnigaba iyo ciidanka asluubta wada shaqayn baa naga dhexeeya, waxaana ku rajaynayaa guul iyo wada shaqayn fiican la yeesho hay’adaha xidhiidhka wada leeyihiin, waxaan raacinayaa guud ahaan cadaaladu waa lagama maarmaan qarankana iyada u sal ah, waxaana fariin u gudbinaya hay’adah cadaalada ka shaqeya kaligood waxba ma qaban karaan haddii aanu shacabku wax la qaban”

Wasiirkii hore ee Cadaalada oo madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay inta uu xilka hayay waxa u qabsoomay oo ka soo bilaabay markii uu Siillaanyo wasaarada cadaalada u magacaabay iyo maanta oo keenay meel ay majiirteen dhamaan masuuliyiintii madasha ka hadlay,isaga oo Wasiirka cusubna u rajeeyay inuu shaqada ilaahay ku asturo.

Wasiirkii hore ee wasaarada Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in markii ay iscasileen xoog ciidan lagu wareejiyey, isla markaana uu wareejinayey xil aanu hayninba, waxaanu xusay in madaxweynuhu jabiyey qodob dastuuriya.

Caydiid ayaa sheegay in iscasiladooda loo tafsiirtay sifo khaldan, isla markaaana dadka qaar ku eedeeyeen qaran dumis iyo inay inqilaab wadeen, balse danahooga gaar ah isku casileen iyo inay u madax banaanaado loolanka xisbiga ka dhex jira.

Ugu horeyn isagoo sharaxaya sababtay isku casilay iyo sida dadku u arkeen waxa uu yidhi “ 26 Octobar,2015 ayaanu go’aansanay inaanu xilka isaga tagno cid na qasabtay ma jirto qof walba isaga go’aansaday inuu xilka baneeyo, waxaana la xidhiidha arrimo siyaasadeed oo ku soo kordhay xisbiga KULMIYE, waxana soo baxday musharixiin badan ka dib markii la arkay in aanu madaxweynuhu musharax ahayn nin waliba musharax ayuu watay oo la safanay, waxaana madaxweynaha u hawlyareynay in wasiiradiisu dhinac u wato, anaguna dhinac u wadano, go’aankaygu wuxuu la xidhiidhay in aanu u madax banaanaano taladii xisbiga, waa wax caadi ah oo qodob xeer oo mamnuucaya in aanu qofku is casili Karin ma jirto, madaxweynuhu runtii talaabo ayuun buu qaadan lahaaa inuu ladqabeeyo iyo inuu ka caqblo iscasiilada, waxaanu qaatay inuu ka caqballo iscasiilada, marka waxay ahayd in sheekaddu ku eekaato uun iscasilaadda uun, laakiin tafsiir badan ayaa laga bixiyey la leeyahay waa inqilaab iyo waa qaran dumis iyo waa burburin taas oo ka socotay warbaahinta dawladda iyo ta xidhiidhka la leedahayba”.

Wasiirkii hore Cadaaladda oo ka hadlaya markii shaqada iskaga tageen qaabka loola dhaqmay xafiisyadooddii iyagoo weli wareejin waxa uu yidhi “Qodobka 26 ee dastuurka ayaa sheegaya ciqaabta iyo dambiga qof kali karo wuxuu yahay, ma jirto inay dambi tahay in qofku is casilo, dadka inta badan naqdiya iscasilada waxaan u arkaa dad iska danley ah oo boos doonayey iyo kuwo sii adkaysanaya xilkoodda marka macno aan taas ahayn uma samayn karo, Dambiga meesha ka dhacay waxa weeyi Qodob 95aad ee dastuukeena ayaa odhanaya wasiirka ama wasiir ku xigeenka is casilaa ama laga eryo isaga ayaa xilka sii haynaya ilaa inta xilkiisa bedelkiisa lagala wareegayo, illaa inta aanan saxeexin wareejinta aniga wasiirka ahaa taasi miyey dhacday markiiba ciidan baa lagu wareejiyey wasaaradihii ay masuuliyiintaasi baneeyeen, xoghayntaydii ayaa loo diiday inay xafiiskaygii usoo shaqo tagto, illa haddda shay ii yaalay oo ka qaatay ma jirto wax aan guranayey may jirin, waxaan umadda u sheegaya inaan ku wareejinayo xil aanan hayn oo xoog lagu haystay”

Wasiirku Cusub ee Cadaalada Axmed Cadare ayaa isna marti madasha fadhiday ka codsay in ay ilaahay u baryaan inuu ku asturo xilka loo dhiibay,isaga oo cadeeyay In ay waajib tahay in ninba meel shaqada qaranka gaadhsiiyo.

Labada Wasiir ku xigeenka ee iyaguna Xilka isku wareejiyay oo iyaguna Madasha ka hadlay ayaa cadeeyay in xilku meerto yahay,waxaana ay iskugu wareejiyeen si ay ku dheehan tahay qalbi wanaag,iyaga oo sheegay in ay waajib tahay in marba shaqada loo magacaabo wasiir ku xigeen dhaqaajiya,waxaana ay saxeexeen Buugii xil wareejinta.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.