WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 1, 2015 (Saxafi) – Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Somaliland, isla markaana hormood ka ahaa raxantii wasiirada ahayd ee dhowaan mar keliya iska casishay xilkii Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo, kadib markii sida ay ku doodeen uu Madaxweynuhu la saftay garabka uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi oo ay iska soo horjeedeen, ayaa shalay markii ugu horeysay tegay Xafiiskiisii Wasaaradda Madaxtooyada oo ku taal Qasriga Madaxtooyada, halkaas oo sida la sheegay uu u tegay diyaarinta Xil-wareejinta Wasaaradaas oo la filayo inuu maalinta beri ah ee Isniinta uu ku wareejin doono wasiirka cusub ee wasaaraddaas loo soo magacaabay Maxamuud Xaashi Cabdi.

IMG_5801Wasiir Xirsi ayaa la sheegay inuu ahaa ninka qarxiyay warkii sababay inay go’aanka iscasilaada ah ku dhawaaqaan in ka badan toban wasiir oo ka tirsanaa xukuumadda Axmed Siillaanyo, isla markaana lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu cuscuslaa Golaha Wasiirada Somaliland, kuwaas oo ka mid ahaa isbahaysiga Murashaxiinta ku loolamaysa shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE, ee ay hoggaaminayaan saddex musharax ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo wasiirkii hore ee Maaliyadda, Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Warka sababay in tirada intaas le’egi ee masuuliyiintani ahi ay mar keliya ka dareeraan xukuumadda, ayaa la sheegay inuu ahaa natiijada kulan uu Madaxweyne Siillaanyo iyo xubno Qosykiisa ahi ay habeenkii Isniintu soo gelaysay ee toddobaadkii hore Madaxtooyada ugu qabteen wasiirada ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha oo uu ka mid ahaa wasiirka Madaxtooyada, Xirsi Cali X. Xasan, kaas oo sida la sheegay ama warka uu Xirsi saaxiibadii soo gaadhsiiyay uu ahaa in Madaxweynuhu ku amray in ay taageeraan musharaxnimada guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, isla markaana aanay jirin cid kale oo isla sharaxaysaa marka la gaadho shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ee loo balansan yahay bishan 10-keeda.

SomlegalAds

Tan iyo intii iscasiladaas ka dambaysay, ayay warbaahinta kala duwani waxay qoraysay in Madaxweynuhu amray in masuuliyiinta is-casishay aanay soo geli Karin xafiisyadii ay ka arimin jireen iyo weliba warar kale oo sheegayey inay jiraan dacwado loo maleegayo iyo baadhitaano Hanti-dhawrka lagu hawl-geliyay, hase yeeshee wasiirkii hore Madaxtooyada ayaa shalay tegay Madaxtooyada isla markaana xafiiskiisii ka bilaabay diyaarinta qoraalada iyo dhokumentiyadii xil-wareejinta, iyadoo la sheegay in maalinta Isniinta ah ee beri uu si rasmi ah u wareejin doono.

Mr. Xirsi Cali ayaa markii uu duhurkii ka soo baxay xafiiska ay barxadda gudaha Madaxtooyada masuuliyiintii ku sugnaa ay si diiran laabta ugu saareen, iyagoo aad moodaysay kuwo muddo dheer kala maqnaa oo ka badan muddadan toddobaadka ah ee uu xafiiskaas ka maqnaa, balse keliya aad garan karaysay inuu jiro dareenka ah in wax weyni dhaceen, isla markaana ay u qaadan-waa ku noqotay inta badan bulshada in Mr. Xirsi oo ahaa gacan-yarihii ugu dhowaa Madaxweyne Siillaanyo muddadii shanta sannadood ahayd ee uu xilka hayey, uu si yar fudud iskaga casilo xilkaas shilis ee uu muddadaas dheer soo hayey.

Muuqaalka shalay ee Madaxtooyada lagu dhex arkay Xirsi Cali X. Xasan, ayaa la odhan karaa wuxuu meesha ka saarayaa wararkii sheegayay in Madaxweynuhu damacsan yahay inuu dacwado ku soo oogo ama si kale haddii aynu u dhigno aar-goosi siyaasadeed ku qaado, iyadoo sidoo kalena wararku sheegayaan in wasiiradii kale laftoodu ilaa shalay bilaabeen diyaarinta xil-wareejintii wasaaradihii ay iska casileen, taas oo ay ka dambaysay bay tibaaxuhu sheegayaan kadib markii xubno wasiiradan is-casiley ka mid ah iyo Madaxweynuhu dhawrkii habeen ee u dambeeyay kulmeen, lagana wada-hadlay wixii dhacay, iyadoo taasna ay barbar socotay dedaal uu Madaxweyne Axmed Siillaanyo isugu soo dhawaynayo dhinacyada isku khilaafsan qabanqaabada shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ee ka midka ah hoggaanka xisbiga oo qayb ka mid ahi la safan tahay isbahaysiga murashaxiinta ay wasiirada iscasiley laftoodu ka midka yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.