WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 10, 2018 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta  Jamhuuriyadda Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) ayaa mar kale u soo jeediyay Xukuummada inay ka faa’iidaysato oo la jaanqaado is bedeladda gobolka ka socda.

Mudane Cali oo ka sokow Xilka wasiirnimmo Xilal safiirnimo ka soo qabtay dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa waxaa uu tilmaamay in aanay jirin deked Ethiopia adeegeedda kula tartami karta dekedda Berbera, waxaana haddalkiisa uu ku bilaabay oo uu yidhi.“Waxaa ka dhacay Ethiopia is bedel aan caadi ahayn. Dal ahaan marka aad eegtana waa dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan waxaa dadweynihiisu dhan yihiin boqol iyo shan Milyan, Nayjeeriya ayuun baa ka badan dhinaca dadka. Dhaqaalaha dalka Ethiopia si xawli ah ayuu u kobcayaa oo sanadkii waxaa ku kordha 6.5%.” ayuu yidhi isaga oo si guud uga waramaya dalka Ethiopia marka hore, waxaana uu intaas ku daray, “Waa dal baddu ka xidhan tahay oo isku dayaya inuu gobolka oo dhan xidhiidh wanaagsan la yeesho. Somaliland marka aynu eegno dhaqaalle ahaan iyo xidhiidhka caalamiga ahba waa dalka ugu muhiimsan waddamada la jaarka ah Ethiopia ee badda leh. Ta kale, Somaliland waxaa ay u tahay meesha ay adduunka kaga xidhan to, waxaa ku nool dad badan oo dhallasho ahaan ay reer Somaliland hayb-wadaagaan, waana ummada Somaliland badhkeed leeg, hadaanay ka badnayn. Marka dakadaha laga hadlayo, dekeda Berbera ayaa ugu muhiimsan, waxaanan maqlaa waxaa tartan kula jira dekedda Djibouti iyo ta heblaayo iyo ta heblaayo. Laakiin, Dakada Djibouti bulshada ay ku beegan tahay marka la eego waxaa lagu qiyaasaa 21 Milyan oo ruux inay u adeegto. Berberina waxaa ay ku beegan tahay inay u adeegto mushtamac tiraddiisu dhan tahay 45 Milyan oo degen Gobolka Hererge iyo Koonfur iyo Bari wixii ka xigga. Ethiopia dhinaca koonfurta waxaa ku nool shacbi kooban.”

SomlegalAds

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cali Shoombe waxaa uu amaanay talaabooyinka uu qaaday ray’sal wasaaraha cusub ee Ethiopia. Waxaana uu yidhi, “Ethiopia waxaa ay xidhiidh la sameysay dalka Eretariya oo ka xidhnaa markii hore. Waana arrimaha ku tusaya in uu furfurnaan la yimid oo waxaa uu markii uu taladda dalka qabtayba socdaal ku tagay waddamada gobolka iyo dunnida ba intii muhiimka u ahayd. Markaa furfurnaantaas uu la yimid ee xidhiidhka dibadda waxaa la inooga baahan yahay inaynu la jaanqaadno oo aan la inagaga tagin dulleedka.”

Waxaa la weydiiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta, saameynta ay dekedaha uu heshiiska la galay Abiy Ahmed ku yeelanayaan dekedda Berbera, waxaana uu sheegay in raysal-wasaarihii hore uu socdaalkiisii koowaad ka bilaabay Kenya, Islamarkaana uu sii kaxaystay khuburo dhinaca dekedaha ah oo xattaa saraakiil Baanka adduunka ahi la socdaan. Waqtigaas waxaa ay tageen sida uu sheegay goobta lagu magacaabo Lamo oo ah halka laga dhigi karayay dekedda ugu dhow ee loogga adeegi karayo Ethiopia, waxaana uu sheegay in markii la qiimeeyay kharashka ku baxaya iyo bulshadda ay tahay inay u adeegto la istusay in aanay is bixin karrayn. Dekedda Port Sudan oo kale ayaa uu tilmaamay inay u jirto Addis Ababa in ku dhaw laba kun oo km (Port Sudan iyo Addis Ababa 1822.4 km). sidaas darteedna aanay is bixin karrin iyana marka loo baahdo ee duruufi keento mooyaane. waxaa kale oo uu sheegay in dekedaha Eritrea ay tartar la gellayaan dekeda Djibouti ee aanay wax badan oo saameyn ah ku yeellan karrin dekeda Berbera. Waayo, buu yidhi labadda dekedood ee Eritrea iyo Djiboutiba waxaa ay u adeegayaan dadka ku nool gobollada Canfarta, Tigreega iyo Amxaaradda. “Laakiin, dhinaca koonfurta iyo bariga Ethiopia wax saameyn ah kumma yeelanayaan.” Ayuu yidhi.

Waxaa kale oo uu Wasiirkii hore ee Qorsheynta Cali Shoombe sheegay in raysal-wasaaraha Ethiopia talaabooyinka uu qaaday ee dimuquraadiyadda ay Danni ugu jirto bulshada dalkaas guud ahaan iyo gaar ahaan qoommiyaddaha ugu badan dalkaas ee Oromadda, Amxaaradda iyo Soomaalida marka ay timaaddo in si xor ah qof waliba codkiisa u dhiibto, waxaana uu tilmaamay in guud ahaan bulshadda dalkaas looga baahan yahay inay la jaanqaadaan nidaamka furfuran ee uu la yimmid raysal-wasaaraha cusubi.

Marka la soo ururiyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta waxaa uu ku taliyay in Somaliland ka faa’iidatsato is bedeladda ka socda gobolka oo ay la jaan-qaado, Islamarkaana xidhiidho ka duwan kuwii hore la sameyso dalka Djibouti oo kale oo uu sheegay inuu u baahan yahay laftiisu in aanu ku dheganaan siyaasadii hore ee uu doonayay sanaddaha badan inuu ku baqti afuufo Somalia oo dhimmatay waa hore. “Waa in aynaan Djibouti ka aqbalin siyaasadii hore ee uu inagula dhaqmayay ee ahayd Iska hayda.” Ayuu yidhi Cali waxaana uu intaas ku daray. “Waa In ay Djibouti ka hadho siyaasadii madhalayska ahayd ee ay 27-ka sano waday oo ay ogaato cidda saamayn ku leh haddii ay tahay dhaqaalaha, nabad gelyada, arrimaha bulshadaba in ay tahay Somaliland ee aanay Somaliya ku lahayn wax saamayn ah. Ta kale, Mawqifka Farmaajo qaatay ee uu ku codsaday in cunaqabataynta hubka laga qaado Eriteriya waxa ay ku tusaysaa dhaqanka siyaasada Somaliya oo ku salaysan danaysi ee aan shaqo ku lahayn tixgelin iyo xishoodka dhaqanka inoo ah innaga. Ujeedada Farmaajo waxay ahayd in uu rajaynayey in isagana laga qaado cunaqabataynta si uu u helo hub uu Somaliland ku fadqalaleeyo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.