WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, July 03, 2018 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee Qorsheynta  Jamhuuriyadda Somaliland Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) ayaa ka hadlay is bedeladda gobolka Geeska Afrika ka socda gaar ahaan dalka Ethiopia iyo saameynta ay ku yeelan karaan Somaliland.

Mudane Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) oo ka sokow Xilka wasiirnimmo Xilal safiirnimo ka soo qabtay dalalka Ethiopia iyo Kenya ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Ethiopia waa dalka inoogu saamayn badan marka laga eego xagga amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga, arrimaha bulshada sidaa darteed waxa muhiim ah in aan aad ugu dhug yeelano ama ula soconno oo aan isha ku hayno is bedelada ka socda gobolka.” Ayuu yidhi, waxaana uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi. “Raysal-Wasaaraha Itoobiya isla markii la doortay, waxa uu socdaal ku tegay dalalka jaarka ah ee Sudan, Somalia, Djibouti Kenya, Koonfurta Sudan ilaa Masar, ujeeddada uu lahaana waxa ay ahayd in uu sugo danaha dalkiisu ka leeyahay gobolka iyo qaarada guud ahaan.”

SomlegalAds

Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) waxaa uu sheegay in taas Somaliland wax ka baran karto. Waxaana uu yidhi. “Somaliland waxay ka baran kartaa raysal-wasaare Abiy Axmed kama  uu sugin wasiirka khaarajiga inuu u jaan gooyo Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee isagaa la wareegay oo hogaanka qabtay markaa waxa muhiim ah in madaxwaynahu la wareego siyaasada arrimaha debeda si loo xaqiijiyo himilada aan ka leenahay arrimaha debeda. Wasiirkuna waa inuu fuliyaa qorshaha madaxweynuhu jaan gooyey”

Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe) ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumaddii Somaliland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), isagoo ahaa Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland, halkii uu markii dambena loo magacaabay Safiirka Somaliland u jooga dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, waxaanu wakhtigaas ka hor loo magacaabay Safiirka Somaliland u jooga dalka Kenya, isagoo wakhtigaas ka horna Sarkaal Sare ka ahaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.