WorldRemitAds

London, UK, July 10, 2018 (Saxafi) – Wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska, Boris Johnson ayaa ku dhawaaqey in uu xafiiska banaynayo, isaga oo ka soo horjeedda qorshaha Theresa May ee ka bixitaanka Midowga Yurub oo noqdey mid jilicsan.

Boris Johnson ayaa noqonaya wasiirkii saddexaad ee shalay ku dhawaaqa in uu iscasilay, waxaa hore isu casiley Wasiirkii qorshaha ka bixitaanka Midowga Yurub  David Davis iyo weliba ku xigeenkiisi Steve Baker.

SomlegalAds

Raysalwasaaraha Britain Theresa May ayaa aqbashey is-casilaada Johnsson, sida ay qortey Reuters.

Boris Johnson ayaa ahaa hoggaamiyihii u ololeeyey ka bixitaanka Midowga Yurub (Brexit) sanadkii 2016 isaga oo ka soo horjeestey raysalwasaarihii iscasiley David Cameron, ka dib markii uu ku guuleystey in Britain uu ka saaro Midowga Yurub ayuu isu diyaariyey in uu qabto hoggaanka Xisbiga Conservative, laakiin markii uu ogaadey in aanu heli karrin cod ku fillan ayna ka soo horjeedaan hoggaamiyaasha Xisbigu ayuu ka noqdey damiciisi, Theresa May ayaa u magacawday Wasiirka Arrimaha Dibadda, sidoo kale doorashadii Xisbigeedu ku waayey aqlabiyadda Baarlamaanka kadib ayey mar labaad u magacaday Wasiirka Arrimaha Dibadda. Boris Johnson ayaa mar ahaa duqa magaalada London.

Iyada oo Xukuumadda Britian aanay ku dhisneyn aqlabiyad ee ay wada dhisteen Xisbiga muxaafidka iyo Democratic Unionist Party, ayaa waajihi kartaa in loo qaado codka kalsoonida.

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Madaxweynaha Maraykanku u booqashadisii ugu horeysey ku imanayo UK todfobaadkan, taas oo dib loo dhigey sanadkii hore.

Ugu danbeyn 29 March 2019 Britain waxaa laga doonayaa in ay ku dhamaystirto ka bixitaanka Midiowga Yurub markaas oo uu si toos ah u dhaqan gelayo Article 50.