WorldRemitAds

Asmara, Eritrea, August 11, 2018, (Saxafi) – Wasiiro ka socda dawladaha Sucuudi Carabiya iyo Isu-tagga Imaaraatka Carabta ayaa booqday dalalka Ethiopia iyo Eritrea.

Dawladda Eritrea ayaa cambaareysay war ka soo baxay dowladda Canada oo ka dhan ahaa Boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ku tilmaantay mid mas’uulyad darro iyo daandaansi ahaa.

SomlegalAds

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Eritrea ayaa lagu sheegay in dawladda Eritrea ay cambaareyneyso bayaankii mas’uuliyadda darradda ama daandaansiga iyo gefka ahaa ee ka soo baxay dawladda Canada ee lagaga horjeeday Sacuudiga.

Dawladda Eritrea waxay ugu baaqday Dawladda Sacuudiga inay tallaabada ku haboon ka qaadato arrintasi qaranimadeeda iyo dhowrista sharciga caalamiga ah dartood.

Arrintan ayaa timid kadib markii Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubeyr uu socdaal ku tegay magaalda Asmara ee dalka Eritrea, isagoo kulan la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki. Dhinaca kale, Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa shaacisay inay maalgelineyso dhismaha Dhuun shidaal oo isku xidhi doonta magaaladda dekadda leh ee Casab ee dalka Eritrea iyo Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay magaalada Adis Ababa booqatay wasiiru dowlaha Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraatka Carabta haweeneyda lagu magacaabo Reem Al-hashimi oo kulan la yeelatay ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo ay isla soo qaadeen xidhiidhka labada dal iyo maalgelinta Imaaraatka.

Reem Al-hashimi ayaa dhambaal ay ka siray Dhaxalsugaha Imaaraatka Maxamed Bin Zayid u gudbisay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana socdaalkeedu ku soo beegmay iyadoo uu dalalka Itoobiya iyo Eritrea booqanayo Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga Caadil Aljubair.

Dhawaan ayay ahayd markii dawladda Isu-tagga Imaaraatka Carabtu ay ka shaqaysay inay la soo geba-gabeeyo colaad muddo dheer dhex taalay dalalka Ethiopia iyo Eritrea, oo muddo labaatan (20) ka badan dagaal ku dhexmarayey xuduudda labada dal u dhexeysa, waxaanu heshiiskaasi hirgalay markii Raysal-wasaaraha Cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed oo booqasho ku tegay xarunta dalka Eritrea ee Asmara, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki. Halka wax yar kadibna uu Madaxweyne Eritrea markii ugu horeysay labaatan sannadood uu booqasho ku yimid xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa, waxaanay labada dal soo ceshadeen xidhiidhkii diblomaasiyadeed, iyadoo dib loo furay safaaradihii labada dal.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.