WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, February, 28, 2012, (Saxafi) – Wefti ka kooban laba wasiir oo ka socda xukuumada Somaliland oo toddobaadkii hore booqasho ku tagay dalkaDjibouti, ayaa shalay ku soo laabtay Magaalada Hargeysa.

Labada wasiir oo kala ah Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire, oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa ka hadlay wadahadalo dhexmaray labada dhinac.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in labada dawladadood ay ka wada xaajoodeen sidii loo adkayn lahaa xidhiidhka laba geesoodka ah, waxaana uu intaas ku daray in si weyn loo soo dhaweeyay. “Waxa aanu ku maqnayn socdaal aanu ku tagnay dalka Djibouti, si fiican ayaa naloo soo dhaweeyay, waxaana uu socdaalkaasi ahaa mid xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Djibouti laga sii adkaynayo”ayuu yidhi  wasiirka Madaxtooyada.

SomlegalAds

Wasiirka kalluumaysiga Somaliland Cabdilaahi Cismaan Jaamac , ayaa isna sheegay dalkaDjiboutiyahay mid cilaaqaad wanaagsan la lehSomalilandoo deris yihiin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.