WorldRemitAds

[box type=”shadow” align=”aligncenter” class=”” width=””]“Waxaan u sheegaya haddii doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhici waydo xisbiga Kulmiye madaxweyne adiguna ku fadhiyi maysid Dabaabado, kalsoonadii umaddu ku siisayna waad lumisay” Samaalle[/box]

Ministers_SomalilandHargeysa, Somaliland, October 27, 2015 (Saxafi) – Wasiirro Miisaan culus oo ka badan laba iyo toban masuul oo xilal ka hayey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda ka dib markii ay sheegeen in madaxweynuhu la saftay mid ka mid ah musharaxiintii u tartamayey musharaxnimadda xisbiga kulmiye.

Masuuliyiintan kuwa ugu tunka weyna waxa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Shaqadda Iyo Arrimaha Bulshadda Cabdi Aw Daahir; Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid; wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif, wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, Agaasimihii Guud ee wasaaradda Wershadaha, Mawliid Weris; Wasiir ku xigeenkii shaqadda iyo arrimaha bulshadda, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir; wasiir ku xigeenkii Dib u dejinta, Nimco Xuseen Qawdhan; Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Deegaanka, Axmed Maxamed Nuur; wasiir ku-xigeenkii Ganacsiga, Bashiir Cabdi Xariir iyo Afhayeenkii Madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

SomlegalAds

 “Xilka ayey xeerkiisa tahay in aad si xilkasnimo leh u gudato waajibaadkiisa una hagar baxdo u adeegida danaha qaranka. Waxaan ku qancay in aan si rasmi ah isaga casilo shaqadii aan qaranka u hayey ee Wasaarada Madaxtooyada muddadii shanta sano iyo dheeraadka ahayd” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji xasan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa isna sheegay in markii madaxweynuhu dhinac noqday uu xilkii iska casilay.

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah afarta musharax ee jagadda madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye ayaa sheegay in aanu ogolaan doonin in xisbigi loo xidho hal qof, isla markaana dalka lagu maamuli doonin Dabaabaddo iyo RRU, waxaanu xusay haddii xisbiga dhexdiisa tartan ka dhici waayo in aanay doorasho dambe dalka ka dhici doonin.

Cabdicasiis Maxamed Samaale oo madashii wasiraddu isku casilayeen ka hadlayey waxa uu yidhi“Dalkan Somaliland ee curdinka usoo maray gobonimaddii taariikh dheer oo halgankana dalku wuxuu usoo galay afar madaxweyne, maanta oo shirkan jara’id aan qabanayo madaxweynuhu go’aan ka soo baxay sheegay in dalka doorasho dambe laga qabanayn ama xisbigii kulmiye ee doorashaddu ka dhici lahayd ee musharaxintii ka ahayn lagu diidyahay ootartankii xisbiga cid loo soo xidhay, go’aankii ugu dambeeyey uu xalay madaxeynuhu ku gaadhay inuu tartankii xidhay oo u musharax yahay hal qof oo uu calmaday, waxaad ogaydeen in RRU iyo tikniko nala galiyey, maanta ay ka sii dartay, xalay madaxweynihi qaranku si qoys ayuu shir ugu galay madaxtooyadda oo uu yidhi dalka dabaabaddo iyo tikniko iyo RRU ayaa lagu xukumi doono aniga dabaddii, doorashaddii iyo dimuqraadiyadii waan xidhay, xisbigina shakhsi buu u xidhan yahay ayaa madaxweynaha laga haya, haddii aanu nahay musharaxintii xisbiga ee sadexda ahaa, waxaanu go’aansanay in aanu umadda u sheegno intii na taageersanayd kalsooni baanu ku qabnay xisbiga haddii la tartamayo ka dhex tartanno maalintii aan xilkii wasaarada iska casilay il dheer baan ku arkayey waxa ka soo socda madaxweynaha digtaytarnimada ka soo socota iyo dalku halka uu ku sii socda ayaan arkayey, wuxu madaxweynuhu sheegay in tartan ka dhex jirin xisbiga, taas oo macnaheedu yahay in doorasho dambe oo asxaabadeed aanay jirin, waxaan u sheegaya haddii doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhci waydo xisbiga kulmiye madaxweynuhu adiguna ku fadhi maysid Dabaabado kalsoonadii umaddu ku siisayna waad lumisay, haddii shaanadii madaxweyne ku cabsi galisay waxaan ku sheegaya walaahi tu kale oo ka cabsi weyn ayaa iman doonta, haddii xoriyadda iyo dimuqraadiyada la ilaalin waayo”

Dhinaca kale, wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Daahir Cukuse oo isna goobta joogay ayaa isagu sheegin inuu is casialy, balse xusay in loo baahan yahay in hadba qoladda cadhoota la maslaxo, isla markaana tilmaamay in xisbiga kulmiye ay Somaliland ka weyn tahay oo ku baaqay in amniga la ilaaliyo, isagoo hadalkiisa laga dhandhansanayey inuu iskaga dab qaadayo masuuliyiintan is casilay iyo madaxweynaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.