WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, June 10, 2018 (Saxafi) – Oday Maxamuud Aadan Xasan (Maxamuud Aadan-dheri), oo ka mid ah Odoyaasha Ruug-cadaaga ah ee Mudada dheer ka soo Shaqeeyay doorkana ka qaatay maraaxilkii kala duwanaa ee Dawladihii Ingiriiska, Soomaalida iyo Somaliland ayaa soo dhaweeyay khudbadii u dambeysay ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaga Hadley Dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, Somalia iyo Somaliland iyo arimo kale oo Xasaasi ah.

Odey Maxamuud Aadan-Dheri oo Arintaa ka hadlaya dareenkiisa uu ka bixiyey khudbad oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Toddobaadkii hore ka jeediyay Xarunta Tababarka Ciidanka Booliska ee Mandheera in ay aheyd Khudbad qiima badan khusuusan mawduuca waaqiciga ah ee khuseeya Siyaasadda Mandaqada iyo tan Somaliland labadaba.

SomlegalAds

“Hadalkii u Danbeeyay ee Madaxweynuhu uu kaga Hadlay arinta Xiisadii Somalia iyo Somaliland Waan Ku Barbar Taaganahay Maxamuud ahaan, Waxa kale oo  aad iisoo jiitay Khudbadii u Danbeysay ee uu isla Madaxweynuhu Mudane Muuse Biixi Cabdi Kaga Hadlay in Somaliland Wada Hadal Diyaar u Tahay in Lagu Dhameeyo Xiisada u Dhaxeysa Somaliland iyo Somaliya,oo Wax la wada qabsado,Nabed iyo caano lagu wada Noolaado oo la is Ixtiraamo waa Weedh Diblamaasiyadeed oo sax ah Koley nin Weyn oo dey ah ayaan ahey oo mudo dheer Dawlladnimada iyo hab maamuuskeeda kusoo jirey Waxaana haboon in Madaxdu marka ay Mawduuca Waajibkooda ah si sax ah uga hadlaan, in lagu barbar joogsado,si aanu mar dambe uga beydhin (Diplomatic-Word) Kalmada Diblamaasiga ah Waxa aan iyana la dhaafi Karin mid kamid ah Qodobadiisa Khudbadiisaa u dambeysay uu kaga Hadley oo  uu Ku Xusay in Xaduudka Somaliland Uu Muqadas Yahay sida uu u dhigey hadalkiisaa ee aheyd in Somaliland ingiriiskii Gacanta ku hayey Maamulkeeda, xadkeedana dhigey halka uu yahey Galbeed iyo Barriba,Koonfurna uu Talyaanigii gacanta ku hayey markii Xornimada Somaliland qaadateyna la isku darsadey kadibna ay dib ula soo noqotey markii la is afgaran waayey ee halgan dheer kadib sidaa daraadeed,haddaanu odoyaashii Waxgaradka xogogaalka ahaa ee ilaa Ingiriis iyo Dawladihii Soomaalida ee k a dambeeyay ilaa Somaliland ilaa maanta goob jooga soo ahaa ee Maamulka soo ahaa aad iyo aad boqolkiiba boqol ayaan Madaxweynaha Muuse Biixi ku barbar taaganahay hadalkaasi” ayuu yidhi Maxamuud Aadan-Dheri.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa Odey Maxamuud Aadan-Dheri in uu sanaddii 1967kii ahaa Gudoomiyaha Degmada Garoowe Xiligaas oo ay Mudo koobani kasoo Wareegtey Xiligii Midawga Labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland wakhtigaas oo si aad ah looga sheekayn jirey Halka uu yahey Xadka Somaliland ee uu Ingiriisku Dhigey iyo halka uu yahey Xadka Koonfurta Soomaaliya ee Talyaanigu gacanta ku hayey.

Gebagabadii hadalkiisa Waxa uu Odey Maxamuud Aadan-dheri si adag ugu dardaarey Madaxweynaha iyo Golaha Xukuumadiisa in ay talaabo adag iyo mid Waaqici ah kusoo af jaraan Xiisada ka taagan arinta Ceel-Afweyn oo aaney uga dhego nuglaan Yooyootanka Madaxdhaqameedka ka hadlaya Xiisada labada Beelood ee Ceel-Afweyn.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.