WorldRemitAds

“Qofka xisbi u ololaynayaa waa inuu ku ekaado akhlaaqiyaadka iyo edaabta suuban ee maaha inuu xadka ka gudbo…”

Hargeysa, Somaliland, December 8, 2015 (Saxafi) – “Waxaa Dhacay Arrin Dhaqanka Iyo Distoorkaba Ka Soo Horjeeda Oo Ah In Calanka Xisbiga Waddani Ey La Saaro.” Sidaas waxa yidhi Gudoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo markii ugu horaysay ka hadlay dhacdadii ka dhacday magaalada Gabiley ee Eyga loogu xidhay calanka xisbiga Waddani.

Musharax Muuse Biixi oo ka hadlayey munaasibad loo qabtay arday ka qalin jabisay jaamacada Edna  ayaa waxa uu si adag uga soo horjeedsaday cid kasta oo falka noocaas ah ku kacday iyo cid kasta oo ka qayb gashay buun buunintiisa.
Ugu horayn Musharax Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaya sidaDistoorkaba loo baahan yahay in laga yeelo marka uu qalad dhaco ayaa waxa uu yidhi “Qaran ahaan marka ay wax inaga qaldamaan ama haduu qof qalad galo waxa wanaagsan oo aynu qaran ku noqonaynaa in qofka uun qaladkiisa lagu qaado oo la toosiyo, mana aha inaynu qaladka sii buun buunino ama aynu meel baas gaadhsiino, haddii qof qaldamana maaha in warbaahintu waxa qaldan ee umada nac iyo xumaan u kordhinaya mooyaane aan wax kale tarayn inay aad u baahiyaan, waxaanay meel kaga dhacayaan masuuliyadooda, warbaahintuna dadka waa inay wax khayr leh  oo  isku soo jiid leh  iyo  xog iyo waano ah baahiyaan laakiin maaha inay baahiyaan wax sharciga ka hor imanaya, dhaqanka ka hor imanaya, dastuurka ka hor imanaya iyo eedaabtaba,”
Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay haboonayn in dadka masuuliyiinta ahi ay qaladka dusha u saaraan cid aan lahayn waxaanu yidhi “Taas waxa la mid ah marka waxaas oo kale dhacaan  maaha in qofka masuulka ahi in waxa xun ee dhacay uu  cid kale iyo umad dhan oo meel degan iyo  masuuliyiin kale iyo hay’ado kale ku eedeeyo, waxaanan uga socdaa todobaadkan waxa dhacay dhacdo aan qurux badnayn oo dhaqanka,dastuurka,xeerarka dalka iyo eedaabtaba ka soo horjeeda oo ahayd in Ey la saaro calanka xisbiga Waddani oo ah xisbi qaran, curfi ayaanay soo kordhinaysaa waana qalad uu qof qudhi  sameeyey, cida sii faah faahisay ee warbaahinta galisayna waa qalad labaad oo ay  gashay, cida masuuliyiin ah ee xisbi, gobol ama xukuumad ku xajiimeeya waxaas oo kale  iyana waa meel ka dhac kale waana qalad qalad kale ku sax, waayo waxaasi  wax cid masuul ahi ku faraxsan tahay ama aanay diidanayn maaha.”
Ugu danbayntiina Musharax Muuse Biixi waxa uu fariin waano ah u diray guud ahaan dadka kala taageersan xisbiyada qaranka waxaanu yidhi “Dhamaan xisbiyadu waa xisbiyo qaran ixtiraam ayaanay mudan yihiin, waxaanay sitaan calamo kuwa qaranka oo kale ah waayo umada ayey matalaan oo karaamo ayey leeyihiin, qofka xisbi u ololaynayaa waa inuu ku ekaado akhlaaqiyaadka iyo edaabta suuban ee maaha inuu xadka ka gudbo iyo mar kasta oo aynu hadlaynaba.”
Jawaabtan ayaa ka dambaysay ka dib markii magaaladda Gabiley calankii xisbiga WADANI Ey loo xidhay taas oo dadweynuhu aad uga xumaadeen, isla markaana noqotay arrinta ugu hadal haynta badan ee maalmihii u dambeeyey la hadal hayey.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.