WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, September 19, 2017 (Saxafi) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Saxardiid Cadaanni ayaa ka hadlay sixitaan ay samaysay war khaldan oo idaacadda weyn ee BBC-du ka baahisay Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay inkastoo ay raaligalin ka bixisay warkaasi khaldan ee ay baahisay hadana waxa uu arrintaasi ku tilmaamay mid si ula kac ah u sameeyeen qaar ka mid ah shaqaalaha Idaacadda oo aan marna ka suurogal ahayn in Idaacad weyn oo guun ah khalad noocaas oo kale ah inay gasho.
Idaacadda Bbc ayaa maalmihii dadka Soomaalida ah lagu laayey Oromadda ka dhigay in dilkaasi ka dhashay laba qof oo Oromo ah oo Hargeysa lagu dilay inay sababeen dilalkaasi SOomaalida loo gaysta, haseyeeshee markii dadku ka falceliyeen isla markaana arrintaasi dadweynaha Somaliland u arkeen inay khalad tahay ayaaa Bbc dib uga bixisay raali galin, wallow aanay idaacadda ka baahan balse Bogeedda Facebooga soo dhigtay raaligalintaasi ay ka bixisay warkaasi khaladka uga baxay.
Wasiir Cadaani oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “BBC-du inkastoo waajibaadkooda saxaafadeed sixitaanka warkii sida khalad ah uga baxay idaacadoodda eek u saabsanaa sababaha keenay dilkii dadkii ee lagu laayey deegaanka Oromadda ayaa hadana waxaan uga mahad celinayaa sida degdeg ah ee ay dib u saxday warkoodii khaldanaa, ee ay baahiyeen habeenimadii 16 bishan September, 2017, waana sida ay dhigayaan xeerarka caalamiga ah ee shuruucda saxaafaddu, in la soxo war khaldan haddii la arko marka laga soo dacwooddo ee la hubiyo la saxo ama raaligalin laga bixiyo, haseyeeshee anagoo dawlad ahaan aqbalay oo ku qanacnay ugana mahad naqayna BBC raali galintaa ay ka bixiyeen warkii khaldanaa ee ay baahiyeen waxaase u aragnaa inuu warkaasi ahaa mid ay u badheedhay BBC-du shaqaale ka mid ah arrinkaasi u badheedhay, maadaama oo ay tahay idaacad guun ah oo aanay marna ka suuro noqon Karin in si fudud uga baxo warkan oo ahaa mid xasaasi ah oo khaladkiisa yar ka dhalan karaa khasaarooyin naf iyo maalba sababa oo aad u balaadhan, hadaba iyadoo ay jiraan khaladaad hore oo kan la mid ah ama u dhow oo Somaliland ka galeen oo BBC-du qaybteedda Soomaaligu ka baahiyeen ayaa waxa aan uga digaynaa inay mar kale ka galaan khalad kale oo kuwan la mid ah”.
Mar uu dadweynaha reer Somaliland uga digayey inay waxyeelo u gaystaan dadka Oromadda waxa uu yidhi “Waxaan dadweynaha reer Somaliland ku baraarujinayaa in dadka oromadda lagula kicin ama Itoobiyaanka ah ee jooga Somaliland wax dhibaato ah aan loo gaysan, ciidanka amaanka waxaan ku wargalinayaa in cidi waxyeelo kula kacda dadkaasi aynu walaalaha nahay in ay gacan bir ah ku qabtaan”.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.