WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, Febuary 03, 2018 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee wasaarada maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa soo bandhigay wakhti ay soo martay istaageerid siyaasadeed uu ku macneeyey jeegaanka oo kale.

Eng Maxamed Xaashi oo ka hadlayey shaacinta kulan ay siyaasiyiinta madashu ku qabanayaan magaalada Hargeysa ayaa sheegay in taageero dhex martay Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Tuur ay keentay inuu waayo kursigii hogaaminta jabhada SNM oo uu u tartamay.

Eng Maxamed Xaashi oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxaan jeegaanta loo bixiyey aniga way I soo martay oo markii uu Siilaanyo madaxda u ahaa jabhada Aniga iyo Cabdiraxmaan Tuur ayaa wada doonanay hogaaminta jabhada, Axmed Siilaanyo waxa uu taageeray Cabdiraxmaan Tuur sidaas ayaanan ku waayey oo waxa laygaga guulaystay Afar cod.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.