WorldRemitAds

Wasiir Belgium ah ayaa sheegay in Sony Playstation 4 ay adagtahay in aad ogaato haddii ay adeegsadaan kooxaha fulliya weeraradda aragagixiso ama kooxda ISIS, waxaana warkan oo uu baahiyay Warsidaha Telegraph sheegayaa in ay jirto cadayn muujinaysa in qalabkan loo isticmaalay weerarradii argagixiso ee Jimcihii ka dhacay magaalada Paris, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 132 ruux in badan oo kallena ay ku dhaawacmeen. Waxaana warku intaas ku daray in qalabkan Sony ee Playstation 4, loo isticmaalay si la isugu duwo loona qorsheeyo ciyaartan weerarka ah.

sharesocialWarku waxaa uu intaas ku darayaa in ciidamada dabagalka ka wadda dalka Belgium, ay heleen ugu yaraan hal PS4 ah oo ay isticmaalayeen kooxaha wax weeraray.

Dhowr maalmood ka hor, Wasiirka Arrimaha gudaha Belgium Jan Jambon ayaa shabakadda Playstation ku xidhiidhiyay kooxda Daacish oo uu sheegay in ay si isa soo taraysa u isticmaalaan qalabkan. Iyadoo buu yidhi ay adagtahay in lala sacdo sida isgaadhsiinta kale loo daba gallo. “Playstation 4 waa ka sii adag tahay in aad ogaatid waxaa lagu qabanayo, sida aad u ogaan karto WhatsApp,” ayuu yidhi Jambon, waxaana uu intaas ku daray “Xidhiidhka ugu adag ee u dhexeeya argagixisadu waxaa uu maraa Playstation 4,” ayuu yidhi. “Waa wax aad, aad u adag in adeegyadeenu qabtaan, ma aha oo keliya adeegyada Belgian laakiin adeegyada caalamiga ah oo dhami ma dhexgali karaan isgaadhsiinta lagu sameeyo Playstation 4.”

SomlegalAds

Playstation 4Ka sokow Wasiirkan, sidda ay daabacday telegraph, wararka laga soo xigtay ilo rasmi ah ayaa tilmaamay in xidhiidhadda qarsoon ee kooxada ISIS marro qalab sir ah oo uu ku jiro Ps4. Iyaddoo sidoo kale la wariyay in kooxahani sidoo kale ay adeegsadaan telefoono, shabakadaha Facebook, WhatsApp, emailo iWM, iyaddoo ay adagtahay sidda loola wadda socdaan dhamaan fariimaha qalabkaas maraya dedaal kasta oo la sameeyay.

Shirkadda 4 PlayStation samesay ayaa ciyaaraha xiisaha leh eek u jira awgeed looga iibsaday in ka badan 25 milyan oo xabo, taariikhda, marka la eegana Playstation Network, iyo qalabka kale ee SONY ayaa dadka isticmaalaa gaadhayaan 65 milyan oo qof. Waxaana la tilmaamay in dadka isticmaala PSN ay qoraal maraya Intarnetka iyo xarfo Sir ah is weydaarsan karaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.